Kismaayo: (pp)- Waxaa Maanta galay wajigii labaad ee shirka dhismaha maamulka Jubbaland ee ka socda magaalada Kismaayo, ayadoo maanta ergooyinka ka qeyb galaya shirka dhismaha maamulka Jubbaland loo soo bandhigay Dastuurka KMG ah ee uu yeelan doono maamulka Jubbaland ee lagu wado in loo dhiso gobbolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Holka shirka uu ka socdo ee xarunta Jaamacada Kismaayo oo ah goobta maanta Ergooyinka loogu qeybiyay Dastuurka cusub ee Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale halkaasi ku suggnaa masuulyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Ras’iisul wasaarihii hore ee Dowladdii KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Siyaasiin kala duwan, ganacsatada deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo iyo korjoogto ka kala socotay wadamada caalamka.

Guddomiyaha guddiga qaban qaabada shirka dhismaha maamulka Jubbaland, Sheekh Macallin Maxamed Ibraahin
Ka hor inta aan Ergooyinka loo soo bandhigay Dastuurka waxaa halkaasi hadal kooban ka jeediyay Macallin Maxamed Ibraahin Guddomiyaha guddiga qaban qaabada shirka dhismaha maamulka Jubbaland,oo isagu sheegay in maanta la joogo la gaaray xiligii laga mira dhalin lahaa qorshihii muddada badan la soo waday ee maamulka loogu dhisaayay Jubbooyinka iyo Gedo.
Sidoo kale masuulyiintii halkaasi ka hadashay waxaa kamid ahaa Cumar C/rashiid Cali Sharmaake Ra’iisulw asaarihii hore ee Soomaaliya oo isagu ugu hambal yeehay dadka ku nool deegaanada gobboalda Jubbooyinka iyo Gedo qorshaha ay ku dhisanayaan maamul ay ku heshiiyeen.
Intaasi kadib waxaa la guda galay in Dastuurka uu yeelan doono Maamulka la soo dhisi doono ee Jubbaland loo qeybiyo guud ahaanba ergooyinka ka qeyb qaadanaya shirka si ay uga doodaan qodobada uu ka kooban yahay dastuurka islamarkaasna ay ka soo tala bixiyaan.
Maalinka beri ah ayaa lagu wadaa in laga hadlo dastuurka Jubbaland State, kama danbaysna laga gaaro go’aanka kama danbaysta ah ee ku aadan ansaxinta dastuurka.
Puntlandpos.com
Xafiiska , Kismaayo