Boosaaso: (pp)- Masuuliyiin ka tirsan wasarada waxbarshada Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay socdaal ku tagay iskuulo ku yaala Gobalada Karkaar iyo Bari,waxayna soo indho indheyn ku sameynayeen habka ay u socota waxbarashada dugsiyada iyo goobaha loogu adeego.
Dhegesyso: Agaasimaha guud ee wasaradda waxbarashadda Puntland
Agaasimaha Guud ee wasarada Waxbarashada Puntland Maxamad Cabdiwahaab oo Puntlandpost telefonka kula hadley ,ayaa sheegay inay kormeer ku tageen iskuulo ku yaal Gobolada Karkaar iyo Bari, kaasi oo qeyb ka ah sidii wax looga ogaan lahaa goobaha waxbarashada iyo dhiiri galinta ardeyda xilligan ku mashquulsan galitaanka Imitixaanada iskuulada Puntland oo dhawaan ardeydu gali doonto.
Maxamad Cabdiwahaab waxa uu intaas ku darey in ay jirraan qorshayaal ay wadaan oo la xiriira iskuulo cusub oo ay doonayaan in ay ka dhisaan Degmooyinka Waaciye Iyo Carmo, halka qeybtood-na ay ku sameynayaan dayactir dugsiyada sare ee ku yaal goobo dhowr ah, kuwaas oo uu tilmaamey in ay u baahan yihin dayactir .
Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey in uu jirro tiro koob sanad leh oo ay ku sameynayaan waxbarashada Puntland, qeyb-na ka ah hadafka ugu balaaran ee wasaaradiisu xooga saari doonto.
Ma ahan markii ugu horeysay oo kormeer ceynkan oo kale ah saraakiil ka socota wasaarada waxbarashada Puntland ku tagaan qaar ka mid ah degmooyinka Puntland, iyadoo lagu tiriyo wasaaradan in ay ka mid tahay wasaaradaha ugu wax-qabadka sareeya ee Puntland.
Xafiiska Puntlandpost.com
Magaalada Garowe