Garowe(pp) Agaasimaha guud ee wasaradda caafimaadka dowladda Puntland Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa faah faahin ka baxshay safar uu mudo labo asbuuc ah ugu maqnaa qaar ka mid ah dalalka Yurub.
Dr.Cabdirisaaq ayaa marka hore sheegay inay caasumaad ka helleen wasaradda arrimaha dibadda wadanka Finland halkaasoo shir ka dhacay oo Puntland iyo Somaliland kasoo qayb galleen lagu go’aamiyay in wasaradda caafimaadka loogu deeqo shan iyo toban qof oo xirfadlayaal caafimaad Soomaali ah si ay uga howlgallaan xarunta iyo goobaha kale ee muhiimka ah.
Qorshahaan ayuu sheegay inuu yahay mid horay u socday balse kani uu wajigii labaad yahay,wuxuna Agaasimuhu cadeeyay haddii dalka Finland laga waayo xirfadlayaasha ay u baahan yihiin ay ka raadsan karaan dalalka kale ee Yurubta.
”Waxan isku soo afgaranay dowladda Finland in Puntland laga caawiyo shan iyo toban qof oo xirfadlayaal caafimaad ah oo dalka ka howlgala”.
Marka laga tago kulankaasi ay wasaradda arrimaha dibadda Finland iyo hay’adda IOM la qaateen waxa uu Dr.Cabdirisaaq sheegay in kulan aan wax badan ka duwanayn ay la qaateen Jaaliyaddaha Puntland ee Wadankaasi,waxana diiradda lagu saaray nooca xirfadlayaasha uu dalku u baahan yahay.
Agaasimaha ayaa sidoo kale Wadanka Sweden kula soo kulmay masuuliyiin ka tirsan dalkaasi,waxana laga wada hadlay sidii loo caawin lahaa Puntland gaar ahaan wasaradda Caafimaad oo run ahaantii howlo tiro badan gacanta ku haysa.
Waxa uu sheegay Sweden inay isku arkeen labo Hay’adood oo mideed ka shaqaysa caawinta caafimaadka dunidda saddaxaad wuxuna tilmaamay inuu balan qaadyo ku aadan hagaajinta Isbitaaladda Puntland uu kasoo halay.
Bisha soo socota ayuu sheegay in ay sugayaan wafdi ka socda dowladda Finland si ay usoo arkeen heerka caafimaad ee uu maanta taagan yahay.
Puntland ayaa ku hormarsan caafimaadka iyo waxbarashadda marka loo eego dhinacyadda kala ee Somalia.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe