Gaalkacyo(pp)Waxaa markii ugu horreeysay ka safraya Puntland koox dheesha kubadda cagta,kooxdaasi oo ku siijeeda magaalada Muqdisho si halkaasi ay uga soo ciyaaran ciyaaro saaxibtinimo oo ay la leeyihiin kooxaha heerka koobad ee ka dhisan magaalada Muqdisho.
Maalmo kaddib ayaa la qorsheynaya in kooxda kubada cagta Comsed Clup oo ka dhisan magaalada Gaalkacyo,kana mid ah kooxaha heerka koobad ee Puntland inay u dhoofan Muqdisho.
Kulamo saaxibtinimo ayaa la sheegaya inay Muqdisho kula soo ciyaari doonan kooxaha heerka koobad ee kala ah Elman iyo Dekadaha,sidana waxaa xaqiijiyey guddoomiyaha kooxda Comsed C/qani Khaliif Carabey oo isagu dadaal u galay sidii ay u dhici lahayd in koox Puntland ka socota ciyaaro heer caalami ah ku soo ciyaarto magaalada Xamar
“Dadaal dheer ayaan u galney sidii ay ku suurobi lahayd in ciyaarokoox Puntland ka socoto ku yeellato Muqdisho,waa buug cusub runtii waxaa na soo gartay goor dhaweyd war qad codsiah oo an gudbinay jawaabteda,xiriirka kusbadda cagta Soomaaliyed ayaana si weyn u soo dhaweeyey in Comsed oo ah koox ciyaaryanahawanagsan ay u ciyaaran inay ka soo ciyaarto Muqdisho,casumaad ayaan ka helney kooxaha Elman iyo Dekadaha iyaga ayaana la soo ciyaareyna”ayuu yiri guddoomiye Carabay oo la hadlay puntalndpost.
Sidoo kale waxaa uu guddoomiyuhu farrin u diray wasaarada cusub ee cayaaraha iyo dhallinyarada Puntland iyo dowladda faderaalkaba,waxaanauu sheegay inay tahay qeyb ka mid ah hormarka dalka haddii ay ka shaqeeyan oo ay taageeran kooxa dalka ka dhisan.
Guddoomiye C/qani Khaliif Carabey waxaa uu sidoo kale ugu baaqay qurba jogta Puntland iyo Soomaalida kalaba inay taageero uga baahan yihiin maadaama Isbortisku uu yahay is dhex-galka bulshada.
“Qurba jogta waxaan farayna inan taageero uga baahahanay tallabaadan oo an muddo ka shaqeynayey waa mid waxbadan ku soo kordhinaysa dhallinyaada Soomaaliyed,waxaana u sheegena inan heer wanagsan jogno qorba jogta hana taageerto,shacabka Puntland ayaan baaq midka la mid ah u diraya,Comsed lama oranayo waa koox iyo Gaalkacyo ka socota laakin magaca Puntalnd ayey ku socota waana muhiim inad na taageertan.”ayuu yiri Carabey.
Mulkiilaha kooxda kubadda Cagta ee Comsed Dr Dhaga-Cadde ayaa fududeeyey in kooxdiisu u safarto iyagoo adegsanaya dhinaca duulimadka.
Waxayna arrintaani dhiiri galin u tahay in kooxaha kale ee kubadda cagta Puntland ay safaro kala duwan sameeyaan.