Mogadishu, February 12 , 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo Mr. John Ging oo ah agaasimaha howlgalada Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan iskuduwidda arrimaha bani’aadanimada OCHA, oo booqasho shaqo ku jooga caasimadda Muqdisho .
Kulanka ayaa looga dooday xoojinta dadaalada gargaarka si looga hortago dhibaato bani’aadanimo iyo cunna yari oo ka dhacda gobolada qaar ee dalka Soomaaliya oo wax soosaarka beeraha xilligii la soo dhaafay uu aad u hooseeyay.
Mr. John Ging ayaa sheegay in Xafiiska uu madaxda ka yahay uu u howlgeli doono kobcinta kaalmooyinka samafal ee gargaarka bani’aadanimo lagu gaarsiin doono deegaanada xaaladaha nolol xumo ay ka jiraan .
Wasiirada cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ayaa dardar geliyay howlaha shaqo ee Wasaaradda kaga aadan Ururada caalamiga si gaar ah hey’adaha Qaramada Midoobey oo laga rajeynayo inay ka qeyb qaataan barnaamijyada horumarinta,taageerida hey’adaha kala duwan ee dowladda, dib u dhiska dalka iyo dadaalada dib u dejinta barakacayaasha gudaha.
Kulankani oo ku soo idlaaday jawi isfaham leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha joogtada cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abdullahi Dool Mohamed.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho