Istanbul(pp)Madaxwaynaha dowladda Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo baaritaan caafimaad u jooga wadanka Turkiga ayaa maanta ka hadlay warar kala duwan oo la isla dhex marayay kaasoo ahaa in madaxwayne Xasan Shiikh uu xanuun uu qabay ugu geeriyooday.
Xasan Shiikh Maxamuud oo waraysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay inuu been yahay warka geerida oo ay buun buuninayaan kooxaha diidan hormarka iyo wanaaga umadda Soomaaliyeed.
“Waa cadow umadda Soomaaliyeed ah dadka warka been abuurka ah faafiyay, shacabka waxaan u sheegayaa in dadka wararkaasi ka dambeeya ay yihiin shaqsiyaad u adeega argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Madaxweynha.
Madaxwaynaha ayaa si cad u faray hay’addaha ammaanka in baaritaan adag lagu sameeyo cida warkaan beenta ah ka fidisay,wuxuna ku tilmaamay mid lagu dhibaataynayo hormarka iyo ammaanka dalka ka socda.
Puntlandpost.com