Muqdisho(pp) Ra’iisulwasaraha dowladda federaalka ah ee Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa caawa u dhoofay dalka Itoobiya isaga iyo wafdi uu horkacayo.
Cabdiwali Shiikh Axmed iyo wasiiradda la socda ayaa waxay ka qayb galayaan shir looga hadlayo ammaanka Gobalka gaar ahaan geeska Africa kaasoo ka dhacaya magalada Addis ababa waxana sidoo kale kasoo qayb galaya madaxda dalalka Africa.
Shirkaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili ammaanka magalada Muqdsiho walaac xoogan laga muujiyay,waxayna sidoo kale kusoo aadaysaa xili Gaadiid ay lee dahay UNHCR maanta lagu qarxiyay magalada Xamar.
Waa socdaalkii ugu horeeyay uu Cabdiwali Shiikh Axmed Dalka dibadiisa ugu baxo tan iyo markii xilka RW loo magacaabay.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho