Muqdisho(pp)Dowladda Ingiriiska ayaa war bixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in ay ugu baaqayso dadka haysta dhalashada dalkeeda ee ku sugan guud ahaan dalka Soomaaliya inay si deg deg ah isaga soo baxaan oo ay dib ugu soo laabtaan dalkooda Ingiriiska.
Arrintaan ayay dowladda Ingiriiska ku sifaysay cabsi iyo wel wel laga muujiyay xaaladda amaanka ee dalka ,waxayna sheegtay inay laga cabsi qabo kooxaha qaswadayaasha ah inay afduub iyo falal kale oo xumaato ah u gaysteen dadka u dhashay dalkaasi.
Warbixinta ayaa lagu sheegay wali in Somalia meelo ka mid ah ay ku sugan yihiin kooxda Burcad badeedka ah,taasina ay sababi karto in dhibaato ay gaystaan,Somalia oo dhan ayay warbixinta ka hadlaysaa sida Somaliland iyo Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horaysay oo ay Dowladda Ingiriiska wel wel ka muujiso ammaanka dadka u dhashay dalkeeda ee ku sugan gudaha Somalia.
Dowladda federaalka ah ee Somalia wali amarkaan kasoo baxay dowladda Ingiriiska kama aysan hadlin,waxayna arrintaani cadayn u tahay in ammaanka dalka uu yahay mid aan la isku halayn karin qaraxyadda joogta ah ee ka dhacaya magalada Muqdisho.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho