Madaxweyne Cabdi Weli isagoo ka jawaabaya baahida reer Puntland ay u qabaan dimoqraadiyaynta wuxuu ku ballan qaaday dhowr wareysiyo oo uu bixiyey doorashadiisii ka dib inuu dalka gaarsiin doonaa 2019 doorashooyin qof walba uu codgiisa ku dhiibto si loo helo hoggaan qaran oo shacabka ka yimaada. Hagaag! Ha yeeshee waxaan durbadiiba si lama filaan ah u iri “aga!” oo madaxweynuhu maba xusin doorashooyinka guud ee loo qorsheeyey inay Soomaaliya guud ahaan ka dhacaan 2016- 3 sano dabadeed? Mana uusan xataa tilmaamin doorashooyinka golayaasha degaanka ee la rabo inay ka qabsoomaan Soomaaliya oo dhan ka hor intaan muddadaas la gaarin.Waxaa xaqiiqo ah in dadka reer Puntland ay faahfaahin dheeraad ah uga fadhiyaan madaxweynaha hannaanka dimoqraadiyaynta dalka sida uu ambaqaadi doono wixii hadda ka dambeeya.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan xasuustay in madaxweynuhu wassaarad cusub soo biiriyey; Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta. Wagar! Dimoqraadiyayn….. oo muxuu qabananayaa haddaba kommisyanka doorashooyinka oo ah qodob dastuuri ah marka la sameeyo? Ma wuusan isagu ahayn hay’ad madaxbannaan oo u gaar ah arrimaha dimoqraadiyeynta? Maxaa wasaaradda dhexgeliyey hawlahaas? Waa su’aalo ay isweyddiyeen dadka aad ugu dhuun daloola arrimahaas, welina aysan jawaabo ku filan u helin.
Waa maxay Federaal (Isutag)?
Federalism ama Isutaggu waa hannaan ismaamul oo muuqaalkiisa ugu mudan, laguna qeexo dastuurka dhexe, uu yahay awoodda oo loo qaybiyo dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyo ay ku hoos jiraan dawladohooda hoose. Yacni awoodaha ay gobolladu qabsan karaan waa loo madax bannaynayaa, wixii itaalkooda ka baxsanna waxaa isutaagaya dawladda dhexe.
Sidoo kale dawlad kasta oo xubin ka ah isutaggu ama Federalku waa inay dhexdeeda ka hirgelisaa baahinta ismaamulka,dimoqraadiyeynta, dhowrida xuquuqaha qofka ee kala duwan iwm. Sidaa darteed waxaa hannaanka federaalku lagu gaaraa dawlad wanaag, loogana hortagaa awoodda oo ay dawladda dhexe maroorsato sidii inaku dhacday xataa xilliyadii dawladihii rayidka ahaa.
Cilmi baarayaal kala duwan oo qoraallo ka sameeyey hannaananada isxukunka (Amar, 1991; Frohnmayer, 1994; Howard, 1993) iyo kuwo kaleba waxay isku raacsan yihiin in Federalism (isutagga) ujeeddada ugu weyni ee laga leeyahay ay tahay in laysaga ilaaliyo meelkadhacyada ama dhibaatooyinka xukuumada dhexe ay u geysato dadkeeda. Dhibaatooyinkaas in laga hortagona waa mid dadka dan u ah ama dhaqan ha wadaageen ama ha ku kala duwanaadeen.
Soomaliya iyo Hannaanka Federaalka
Si aynu haddaba dawlad qaran oo cusub u dhisanno kama maaranno ku dhaqanka hannaan Federal (isutag) sabaha soo socda awgood:
Dawlad goboleedyadu waa hannaanka qura ee bulshada Soomaliyeed ay ku dhayi karto hurgumooyinka boogaha aan weli doorsan, kuna illaawi karto cabsidii, nacaybkii iyo aamin darradii ka dhalatay dagaalkii sokeeye ee qarxay 1991 (Waldo, 2010). Sidaa darteed xilligan dadku nafsad ahaan uma aqbali karaan inay wadaagsadan dawlad hal lakab oo keliya ah(unitary system) si kasta oo loo jejebiyo awoodeeda iyadoo weli la xasuusan yahay dambiyadii dhacay 1991 iyo ka gadaal.
Waa ismaamul kusoo dhammaystirmaya hannaanka hoos-kor (bottom-up approach) iyadoo bulshooyinka soomaaliyeed oo dhul ahaan isxiga ay qolo walba dhisanayso maamul goboleed ugu dambayn isugu tagaya dawlad Soomaaliyeed oo ka dhexaysa
Waa hannaan keeni kara dareen isku dayasho, iskulaylin macaanka qarannimo oo hoos laga soo abuurayo iyo ku dhaqan maamul wanaag dhammaan deegaanada kala duwan, laguna joogteyn karo jiritaanka qaranimadeenna iyadoo dawlad kasta aayeheedu gacanta ugu jiro
Marka laga reebo federaalku, hannaanka ugu wanaagsan ee heerarka ergaynta awoodaha ismaamulka (devolution) kuna yimaada qaabka kor-hoos (top-down approach) ma soo celin karo kalsoonidii ka luntay shacabka Soomaaliyeed maxaa yeelay awoodahaas la ergeystey berriba waxaa barlamaankii dhexe ee hore u ansixiyey u codayn karaa in la laalo ama lala noqdo.
Maadaama isutaga ama federaalka Soomaaliyeed lagu saleeyey sida ku cad dastuurka dhexe, gobolladii 18 ahaa ka hor 1991, lama wada oran karo waxay ku salaysan yihiin hab beeleed waayo gobolladii hore waxa lagu xushay isudhowaanshaha deegaamada (proximity).
Xaaladda caasimadda dalka ka dhexaysa dabcan sida lagu xusay dastuurka waxaa qeexi doona xeer gaar ah. Waase waajib dawladda imminka jirta saaran in xamar la xaalmariyo si ay uga muuqdaan dhammaan wejiyada soomaliyeed ee kala duwan oo horay guryohooda iyo maalkoodiiba uga dhaqaaqay.
Haddaba waxaa dawladda Puntland looga fadhiyo inay kaalin mug leh ka qaadato dhammaystirka iyo soo dedejinta arrimaha federaalka oo lagu soo koobi karo:
Inay xiriir dhow oo ku salaysan dan qaran ay la yeelato dawladda dhexe. Macne ma samaynayso in madaxdu ay isku koobto xafiisyada Madaxtooyada Garowe, oodafadana ka soo rogato arrimaha kale ee Soomaaliya waayo Puntland oo aan qaran Soomaaliyeed ku daabnayn waxtar unoqon mayso dadkeeda. 23 sano ayaa cimriga shacabka Soomaaliyeed macno la’aan uga maqan sidaa darteedma xammilayno xilli intaas ka badan, maalin ba ahaatee, oo nagu dhaafta dawlad dhexe oo aan jirin ama liidata.
Inay ku gargaarto dawladda dhexe iyadoo kaalinteeda ka qaadanaysa sidii loo magacaabi lahaa guddiga dhammaystirka dhismaha dawladaha xubnaha ka ah federaalka iyo xaddidaada tiradooda, kaasoo oo shardi u ah ansixinta dastuurka iyo doorashooyinka la filayo 2016.
Inay ku casunto Galmudug inay ku soo biirto Puntland si shuruuda dawlad goboleedku u buuxsanto. Weliba sidoo kale inay ugu yeerto gobollada kale oo aynu deriska nahay sida Galguduud inay xubin ka noqon karaan Puntland hadday dan u arkaan.
Waa inay isafgarad dhab ah la sameeyaan xukuumadda federaalka si gobollada ku bahoobey Puntland ay aqoonsi dhab ah u siiyaan, ugana ilaaliyaan gorgortan kale
Waa inay Puntland qayb ka noqoto wada hadalka dawladda federalka iyo Somaliland maadaama dano ina khuseeya miiska la keenayo.
Puntland iyo Dimoqraadiyanta
Axdi qarameedkii Puntland ugu horreeyey oo la qoray sannadkii 1998 wuxuu u muddeeyey saddex sano in lagu qabto doorasho guud oo xor iyo xalaal ah, laguna soo doorto hogaan ku yimid codka shacabka. Ha yeeshee 15 sano ka dib weli riyadaasi ma hirgelin iyadoo ay ugu wacan tahay masuuliyad darro ka timid dhanka maamuladii isaga dambeeyey. Waxaa axdigaa ka dambeeyey ugu yaraan 3 dastuur oo qabyo qoraal oo isxigey, oo midna aan afti loo qaadin,uuna ugu dambeeyey midkii barlamaankii hore soo gudbiyey sannadii 2012. Inkastoo sida la sheegay qabyo qoraalkii ugu dambeeyey ay ansixiyeen ergooyin ka kala yimid gobollada Puntland halka afti looga qaadi lahaa, haddana arrintaasi muran weyn ayey ka dhex dhalisay shacabka, iyadoo inta badan aysan ku qanacsanayn qaabka wax loo maamulay.
Waxaase xusid mudan in dastuurkan u dambeeyey uu ku salaysan yahay hannaanka axsaabta tirada badan in lagu tartamo laguna soo doorto golayaasha degaanada iyo madaxda haydaha dawliga labadaba. Waxaynuse la wada soconnaa in qorshihii doorashooyinkii ay burbureen kal hore qaladaadyo jirey awgood. Waxase hubaal in haddii siyaasiyiinta reer Puntland qaarkood ay ugu tafo xaydan lahaayeen ka miro dhalinta axsaabta badan si la mid siday ugu heellanaayeen hab-beeleedka aynu maanta hogaan ku dayasho mudan Soomaaliya u wada noqon lahayn, kagana heli lahayn adduunka gudo iyo dibedba sumacad ka dheer middan imminka kasbannay.
Haddaba si loo kobciyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Puntland iyo guud ahaan tan Soomaaliyaba waxaan soo jeedinaynaa arrimaha soo socda:
In maamulka cusub ee Punland uu si mug leh ugu diyaar garoobo qabsoomidda doorashooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacdo Soomaaliyoo dhan sannadka 2016, hormoodna uga noqdo gobollada kale ee Soomaaliya hirgelinta doorashadaas.
In dib loo eego dastuurka Puntland ee imminka jira, islamarkaana afti dadweyne loogu qaado sida ugu dhakhsaha badan, lana dhaqan geliyo xeerarkiisa markay doorashooyin hal qof hal cod ah ay ka hanaqaadaan geyigeenna. Ergadii horay loo sheegay inay ansixisey dastuurka 2012 oo tiradeedu 400 iyo wax la jira ahayd layskuma raacsanayn go’aankooda,.
Baahi weyn ayaa dalku u qabaa dhismaha maxkamaddii dastuuriga si ay xal uga gaarto iswaafajinta dhowrkii qabyo qoraal ee dastuurada Puntland soo maray iyo Axdi qarameedkii hore ee la qoray 1998.
Dad badan ayaa waxay qabaan maadaama madaxda imminka jirta lagu soo doortay hab beeleed inaan muddada xilhayntooda lagu salayn karin dastuurka u dambeeyey Puntland ee ay tahay in lagu fariisiyo 4 sano ama 3dii sano oo Axdi qaaramedkii hore qorayey. Waxaase arrintaas awooda kala saaristeeda iska leh maxkamadda dastuuriga marka dhismeheeda la hirgeliyo.
Inkastoo aysan dheg jalaq u siin, waxaan maamulkii hore ee madaxweyne Faroole usoo jeediney inay ugogol xaadho maamul cusub oo ku dhammaystira hannaanka dimoqraadiyaynta muddo 2 sano ah iyadoo ilaalinaysa danta shacabka. Haddaba sidaas si la mid ah ayaan u soo jeedinaynaa dawladda madaxweyne C/weli inay u diyaariso dalka doorasho guud oo ka dhacda sannadka 2016- 3 sano ka dib, kuna soo afjarta nidaamka hab-beeleedka oo aynu caalamka kaga harnay.
Qoraalkan waxa nasoo gaarsiiyay Gudoomiyaha Ururka UDAD Siciid Faarax Sanwayne oo Puntland ku sugan.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe