Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kumanaan Soomaali ah oo u baahan gargaar bini’aadanimo (Warbixin)

$
0
0

Muqdisho(pp) Kumaaan Soomaali ah ayaa la sheegay inay u baahan yihiin gargaar bini aadantinimo oo deg deg ah si loogu maareeyo nolashooda oo laga dayriyay.

300x300xJohn-Ging-300x300.jpg.pagespeed.ic.i65kHCQKuSNinka u qaabilsan Qaramadda Midoobay arrimaha bini aadantinimada oo magaciisa la yiraahdo John Ging ayaa booqasho uu Soomaaliya ku yimi ka dib sheegay in loo baahan yahay mucaawino deg deg ah,sidoo kalena laga cabsi qabo in ka badan malyuun qof- ay cunto yaraani soo wajahdo.

Waxa uu sheegay John haddii aan laga hortagin xaalada kusoo socota dadka intaas leeg inay sababi karto inay dhibaato xoogan la kulmaan,wuxuna dadka dhaqaalaha bixiyo ugu baaqay inay ku saacidaan hanti kumanaanka dadka ah lagu bad baadiyo.

1826093_520_312Dadka gargaarka u baahan ayaa ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo sanado ka hor ay ka dilaaceen abaaro saamayn dhimasho reebay.

QM ayaa sheegtay inay u baahan tahay dhaqaale gaaraya $933 si wax looga qabto dhibaatooyinka bini aadan ee Soomaaliya ka taagan,balse war kasoo baxay ayaa lagu sheegay lacag intaasi ka yar inay gacanta usoo gashay.

Puntlandpost.com

Xafiiska Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>