Dastuurka cusub ee KMG ah ee uu yeelanaayo maamulka Jubba Land ayaa waxaa maanta si rasmi ah u ansixiyey inka badan 800 boqol oo ah ergada ka qayb gelaysa shirweynaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee ka socda magaalada Kismaayo,kadib markii codka kalsoonida loo qaaday.
Ka hor inta aan la ansixinta axdiga KMG ah ee maamulka Jubba Land ayaa waxaa hadallo dar daaran ah ergada u jeediyey Guddoomiyaha maamulka KMG ah Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
Intaasi kadib ayaa waxaa la guda galay in laga doodo qodobada uu ka kooban yahay dastuurka cusub kaasoo maalintii shalay ahayd ergada loo qeybiyay si ay uga soo tala bixiyaan dastuurka cusub.
Ra’yi ururinta kadib ayaa waxaa codka kalsoonida loo qaaday axdiga KMG ah ee maamulka Jubba Land oo ka kooban 50-qodob iyo lifaaqyo kala duwan, waxaana u wada codeeeyey dhamaan ergadii madasha fadhiday taasi oo ka dhigaysa in dastuurka Jubba Land lagu ansixiyey cod aqlabiyad ah, waxaana dastuurka ansaxiyey ergooyin gaaraya 870, ayadoo ansixinta dastuurka uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirweynaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Macalin Maxamed Ibraahim.
Gen Cali Maxamed Xassan Looyaan Cali Madoobe oo kamid ah guddiga farsamada ayaa ansixinta dastuurka Jubbaland kadib wuxuu shaaciyay in maalinta berri ah xaflad weyn loo qaban doono ansixinta dastuurka Jubba Land sidoo kale la taagi doono calanka Jubba Land.
Wararka ayaa intaas ku daraya in maalinka beri ah ay ka kala imaanayaan magaalada Nairibi iyo Magaalada Muqdisho Xildhibaano ka soo jeeda deegaanada Jubbooyinka & Gedo, kuwaas oo doonaya in ay la qayb sadaan farxada Ergooyinka iyo shacabka Jubbooyinka Gedo.
Ugu dambayntiina Guddoomiyaha guddiga farsamada ee shirweynaha dhisitaanka maamulka Jubba Land ayaa sharaxaad ka bixiyey tilaabooyinka kale ee xigi doona ansixinta dastuurka JubbaLand.
Ergooyinka ka qeyb galay shirka ka socda magaalada Kismaayo ee lagu soo dhisay maamulka Jubbaland ayaa wixii maanta ka dambeeya waxaa ay si toos ah ay u guda geli doonaan inay soo doortaan hogaanka maamulka Jubbaland State.
Puntlandpost.com
Xafiiska: Kismaayo