Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROOWE: Baarlamanka oo Ansixiyey mid ka mid ah Qodobo ay ku kala aragti duwanaayeen Ururada Siyaasada Puntland (Sawiro)

$
0
0

Garoowe: (pp)- Mudanayaasha Barlamanka Puntland ayaa maanta 02 April,2013 ansixiyey qodobo ka mida xeerka doorashooyinka oo dhowaan soo gudbiyeen guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland.

Xillibaanada oo qodobka u gacan taagaya

Xillibaanada oo qodobka u gacan taagaya

Qodobadaan la meelmariyay ayaa waxaa ugu miisaan cuslaa habka loo raacayo dadka codaynaya aqoonsigooda,waxayna mudanayaasha Barlamanku ay ku soo koobeen inuu noqdo codeeyaha Puntlander.

Gudoomiyaha Barlamanka iyo ku xigeenkisa Xaaji

Gudoomiyaha Barlamanka iyo ku xigeenkisa Xaaji

Waxaana intaas ka dib uu ku dhawaaqey gudoomiyaha baarlamanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi inta harsan qodobada baarlamanka loo soo gudbiyey maalinta bari ah la guddo gali doono.

Xillibaanada soo xaadirey kulanka

Xillibaanada soo xaadirey kulanka

Kulanka maanta wuxuu qeyb ka noqonayaa kulamadii caadiga ahaa ee mudanayaasha baarlamanka Puntland, iyadoona maalinta beriya laga war sugayo codka gacan taaga ah ee baarlamanku ku meel marinayo qodoba xeerka doorashooyinka goloyaasha deegaanka loo marayo.

Xafiiska Puntlandpost.com
Magaalada Garowe.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>