Garowe(pp) Gudoomiyaha hay’adda culimadda Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo ka qayb galay munaasibad lagu soo bandhigay habkii ay culimadda Puntland u maamuleen dhaqaalihii iyo xoolihii dadka Soomaaliyeed ay soo gaarsiiyeen ayaa sheegay in laga baran karo darsi qiimo leh.
Waxa uu sheegay tani inay tusaale cad u tahay umadda Soomaaliyeed inay isku gurman karaan dhibka kasta oo lasoo darista wuxuna isagoo ka hadlayay sida umadda Soomaaliyeed usoo caawiyeen qoysaskii Puntland ku cayroobay ayuu sheegay kulankan inay ku haboon tahay in cinwaan looga dhigo”Soomaaliyeey ileen sidaan waan samayn karnay” oo uu ula jeeday in umadda Soomaaliyeed ay is-jecel yihiin iskuna gargaari karaan.
Tan kale uu ka hadley Shiikhu ayaa ahayd mushkulooyinka kale ee dadka haysta,kuwaasoo uu ku tilmaamay inay qarsoon yihiin balse loo baahan yahay in si isku duubni ah loo wajaho oo looga hortago.
Hadalka Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxa uu dhiirigalin u yahay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay sidii dhibaatadda Dalkeena haysata looga bixi lahaa loona wada raadin lahaa midnimo.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe