Muqdisho (PP) Waxaa wali soo baxay wararka ku saabsan Weerarkii lagu qaaday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo Khasaaraha dheeraad ah iyadoo ay ka hadleen mas’uulyihin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Maxamuud Xirsi Cabdulle (Indha-case) oo ahaa gaasimihii guud xafiiska ra’iil wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa dadkii ku dhintay Weerarkii lagu qaaday xarunta madaxtooyada.
Xaalada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in ay tahay mid wanaagsan oo aan dhibaato ama waxyeelo ka soogaarin weerarkaasi maant kooxda hubaysan ay ku qaadeen Xarunta madaxtooyada .
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa badanaa ku tukan jiray Salaadda Jimcaha masaajidka, balse masuuliyin ka tirsan Dowladda ayaa sheegay in xilliga weerarka uu dhacayay uusan ku sugnayn isla markaana uu nabad qabo.