Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha: “Dib u kabashada Soomaaliya way sii soconeynaa si looga Hortaggo falalka argagixisada”.

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay weerarkii Maanta lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho wuxuu sheegay Madaxweynaha in ay sii wadayaan Dagaalka ay Alshabab kula jiraan.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada Qaranka ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu ugu horeyn tacsi u diray ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed dadkii ku nafwaayay, isagoo kuwa ku dhaawacmay Alle uga baryay in uu bogsiiyo.
Madaxweynaha oo cambaareeyay falka fuleynimada ah ee lagu dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed ayaa hay’adaha amniga ku dhiiri geliyay inay sii labo jibaaraan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si looga hortaggo dhibaatada ay shacabka ku hayaan cadowga Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ka digay in kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay helaan fursado ay bulshada ku dhibaateyn karaan, isagoo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo soo afjaro, dhibaatada ay kooxda argagixisada Al-Shabaab ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo dib uga soo kabasho ah muddada labaatankii sano ee dalka dib u dhaca ku yimid, islamarkaana dadaallada dowladdu aysan saameyn ku yeelan doonin weerarada naf lacaariga ah ee ay shabaabku ku gumaadayaan shacabka Soomaaliyeed.
“Ololaha Militeri ee ay wadaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka dhanka ah Al-Shabaab waxa uu yahay mid la sii labo jibaarayo si dalka oo dhan looga cirib tiro caddowga umadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>