Muqdisho (PP) Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Saalax Annadif oo cambaareeyay weerarkii ay dadka rayidka ah ku dhinteen ayaa ku tilmaamay falkaasi in uu ahaa mid ka baxsan beni’aadanimada.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wakiilka Midowga ee Soomaaliya aya lagu sheegay in falkaasi uu cambaareynayo, isagoo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay, halka ku wa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad qab.
Mr Annadif ayaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ku ammaanay jawaabta geesinimada leh ee ay ka bixiyeen weerarkii maanta magaalada ka dhacay, waxaana u shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga si loo dar dargeliyo howlgallada lagu baacsanayo xagjirka Al-Shabaab.