Rasulwasaaraha Soomaaliya ayaa goor dhowd dib ugu soo laabtay magaalada muqdisho oo safar uga maqnaa dalka isgoo soomaray dalal kuyaala qaarada Africa oo ay ka midyihin Ethopiya,Jabuuti,Uganda iyo dalalkale.
Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si deg deg ah ugu soo laabtay dalka kadib markii maanta Weerar lagu soo qaaday Xarunta Madaxtooyada soomaaliya kaasi oo ay kudhinteen mas’uulyihin ka tirsan Dowlada Soomaaliyo iyo qaar ka mid ah Ciidamada ilaalada Madaxtooyada.
Wararka caawa laga helay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uujiro kulumo looga hadlayo amaanka.