Gaalkacyo (PP) Waxaa galabta kulan ka dhacay Jaamacada Puntland State University of Science and Technology (Pust) looga hadlay wixii u qabsoomay iyo Waxyaabaha uqorshaysan waqtiga soo socda Maamulka Cusub ee Jaamacada Pust oo shaqayey mudo 5 bilood ah oo Jaamacada uu Gudoomiye ka yahay Rooble Axmed Daahir iyo koox dhalinyaro ah oo la shaqeeya.
Kulanki ayaa waxaa ka qaybgalay Gudoomiyahay Gobolka Mudug,dhaqaatiir,ganacsato,culumo,Arday, iyo marti sharafkale duwan intii ay xalfada socotay waxaa lagu soo bandhigay guul waxku ool ah oo ay gaareen Maamulkan cusub ee uu hogaaminayo Rooble Axmed Daahir ee shaqaynaya 5ta bilood.
Rooble Axmed Daahir ayaa sheegay in mudo dhan 5 bilood ay shaqaynayeen waxyaabaha uhirgalay ay ka midtahay dhisamaha cusub ee jaamacada doorashadii hogaanka Ardayda dhisada xarun wax Akharis ee Jaamacada iyo waxyaabo badan oo hormarka ah.
Proff Maxamed Jaamac Salaad oo ah Gudoomiyahay Guddiga boorka Jaamacada ayaa sheegay in maamulka cusub uu ku guulaysay Arimo badan wuxuu sheegay in Puntland State University of Science and Technology (Pust) dhowaan ka qaygalayso shir caalami ah oo ka dhacay Dalka Imaaraadka sidoo kale ay jiraan jaamacada ay wadashaqan la leh Pust.
Gudoomiyahay Gobolka mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa sheegay in jaamacada University of Science and Technology (Pust) ay hormar wanaagsan samaysay dhalinyarad ay ugu mahadcelinayaan wuxuu bulshada guud ahaan ugu baaqay in laga qaybtaay dhismaha Xarunta cusub ee jaamacada.
____________
Maslah Mukhtaar Daahir “Dangarad”
Xafiiska Wararka Gaalkacyo
Puntlandpost