Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Sarkaal lagu dilay magalada Muqdisho (War-bixin)

$
0
0

Muqdisho(pp) Koox hubaysan ayaa maanta Muqdisho ku dishay Korneyl Cumar Jalaato oo ka tirsanaa Saraakiisha Militariga ee Dowladda Soomaaliya.

Waxa lagu dilay meherad ku taala meelaha ay iska gallaan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinley oo uu xiligaasi shaah ka cabayay.

Lama yaqaan sababta xiligaan dilka sarkaal kaan kusoo beegay ,waxana goobta soo gaaray ciidan ka tirsan dowladda Somalia oo baaritaano kala duwan ka bilaabay goobta lagu dilay.

Wararka laga helayo goobtaasi ayaa sheegaya ragga dilay Sarkaalka inay halkaasi kasii kaxaysteen gaari uu laha marxuumka.

Dilka Cumar Jalaato ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili maalinkii shalay madaxtooyadda Somalia ”Villa Somalia” ay kooxda Alshabab weerar halis ahi ku qaadeen.

Ammanka Muqdisho ayaa faraha kasii baxay tan iyo markii is-badal uu ku yimi xukumadda DFS.

Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>