Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ammaanka madaxtooyadda Puntland oo la adkeeyay ka dib weerarkii Villa Somalia (Warbixin)

$
0
0

Garowe(pp) Waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka madaxtooyadda dowladda Puntland ka dib markii maalinkii shalay kooxda Alshabab weerar ballaaran ku qaateey Villa Somalia ee Muqdisho.

2Ciidanka madaxtooyadda ayaa labo laabay baaritaanada kala duwan ee lagu sameeyo gaadiidka galaya xarunta madaxtooyadda halka qaarkoodna maanta lagu amray in banaanka hore ee xarunta la dhigto,taasoo lagu sheegay inay qayb ka tahay adkaynta ammaanka.

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo madaxtooyadda Puntland ayaa sheegaya ciidanka kala duwan ee Puntland inay feejignaan dheeraad ah kaga jiraan weeraro kaga imaan kara dhanka Kooxda alshabab oo la rumaysan yahay inay wali ku xoogan yihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

1War maalin dhawayd kasoo baxay xafiiska madaxwaynaha ayaa lagu sheegay dowladdu inay il gaar ah ku eegayso dagaalka uu ku baaqay Xasan Shiikh Maxamuud in lala galo Ururka islaamiyiinta ah ee Shabab.

Puntland ayaa ka mid ah meelaha sida aadka ah uga bad baaday weeraro joogto ah iyo qaraxyo ay soo maleegaan Islaamiyiinta Alshabab,waxaana arrintaasi suurta galiyay wada shaqayn wanaagsan oo dhextaala ciidanka iyo shacabka Puntland.

Madaxtooyada_Puntland_2Sidoo kale waaa la adkeeyay ammaanka kaantaroolada caasumadda soogala waxana baaritaano lagu hayaa gaadiidka iyo dadka aan la aqoon ee soo galitaanka magaladda ay ku cusub tahay.

Alshabab ayaa sheegatay weerarkii maalintii shalay oo Jimce ahayd lagu qaaday xarunta madaxtooyadda Villa Somalia ee Muqdisho kaasoo gaystay khasaaro kala duwan inkastoo ay kuwii weerarka soo qaaday ay bartiima ku dhinteen.

Jiritaanka Ururka Alshabab ayaa caqabad ku ah in ammaan la isku halayn karo lagu soo dabaalo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>