Addis ababa(pp) Dowladda Talyaaniga ayaa lacag gaaraysa nus malyuun euro waxay ugu deeqday mamulka KMG ah ee Jubba,taasoo qayb ka ah dhismaha iyo hormarina mamulka.
Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya dalka Itoobiya ayaa deeqdaan lacagta ah mamulka Jubba ugu dhiibay Xoghayah urur goboleedka IGAD Injineer Maxbuub Macalin Talaadadii lasoo dhaafay.
Safiirka Talyaaniga ee Itoobiya Renzo Mario Ronzo ayaa ka dib saxiixa lacagtaasi waxa uu sheegay in lagu isticmaali doono sidii loogu hormarin lahaa xafiisyadda dowladda iyo in lagu dhaqan galiyo heshiiskii DFS iyo mamulka Jubba ku dhexmaray Itoobiya.
Waxa uu sidoo kale sheegay inay dadaal galin doonto hirgalinta nidaamka federaalka ee Soomaaliya.
Mamulka KMG ah ee Jubba ayaa ku mashquulsan sidii loo abaari lahaa howlaha kala duwan ee horyaala,waxana ka mid ah xoraynta deegaanadda ay kooxda Alshabab gacanta ku hayaan iyo dib u dhiska magaalooyinka.
Waa deeqdii ugu horaysay oo intaasi leeg isla markasna ka timaado oo la siiyo mamulka Jubba.
Puntlandpost.com