Istaanbul(PP) Munaasad ay soo qaban qaabiyeen ardayda wax ka barata dalka Turkiga ayaa lagu taageeray madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) taasi oo ka dhacday magaalada Istaanbuul.
Munaasada ayaa waxaa ka qaybgalay Ganacsato,arday iyo mas’uuliyin kale duwan waxaan soo qaban qaabiyey Ururuka Jaaliyada Puntland waxaa halkaasi lagu soo bandhigay riwaayad ka hadlaysa heerarka kala duwan ee Gobaladda Puntland.
Dadkii goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan madaxweynaha Puntland isla markasna ay ka dhowrayaan inuu hirgaliyo is-badalkii uu doorashadda kusoo galay iyo waliba dib usoo celinta deegaanadda ka maqan Puntland.
Sidoo kale dadkii kulanka ka hadlay ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay dowladooda si hufan ula shaqeeyaan oo aysan wax xumaan ama mucaarad ah kala hor imaan.
Dowladda Cabdiwali Gaas ayaa laga taageeray dalka iyo dibada waxana dadka rog roga siyaasada Puntland ay tilmaamayaan in looga fadhiyo dhamaan waxyaabihii balan qaadka ahaa ee uu doorashada ku galay.
Puntlandpost.com