Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wafdigii madaxwayne Gaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay Jigjiga Dhagayso

$
0
0

Jigjiga(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magalada Addis ababa ayaa daqiiqado ka hor gaaray magalada Jigjiga.

Wafdiga Dr.Gaas waxaa garoonka diyaaradaha ee Wiil weel kusoo dhaweyay madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxmaed Cumar Illeey iyo qaar ka mid ah xukumaddiisa,is-gacan qaad iyo sallaan waxaa loosoo gudbiyay wafiga aqalka martida.

Wasiirka warfaafinta Puntland Mudane Cabdiwali Xirsi Cabdulle (Indho-guran) oo goor dhawayd la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay magalada Jigjig inay ku sugnaan doonaan mudo labo maalmood ah ayna galabta kulan wada qaadanayaan madaxda mamulka Jigjiga iyo Dr.Gaas.

Dhamaan kulamadii ay Addis ababa kusoo sameeyeen ayuu Indho-guran ku tilmaamay inay salka ku hayaan sidii loosii xoojin lahaa xiriirka Puntland ay aduunka ku lee dahay iyo in ay hesho saamiga ay ku lee dahay wax kasta oo lagu soo qaado magaca umadda Soomaaliyeed.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>