Garowe(pp) Wasiirka wasaaradda beeraha & waraabka dowladda Puntland Cabdi Ismaaciil Boos ayaa sheegay inay wadaan qorshe balaaran oo lagu hormarinayo beeraha iyo waraabka si ay meesha uga baxdo baahida loo qabo gacmo shisheeye.
Boos oo maanta la hadlayay Radio Garowe ayaa docda kale tilmaamay inay soo bandhigeen qorshe ballaaran oo lagu kaantaroolayo raashinka kala duwan ee Puntland lasoo galiyo si looga war qabo caafimaadkooda iyo mudada la isticmaali karo.
”Wixii awoodeena ah waanu ka qaban doonaa baahida ay dadku u qabaan beeraha iyo waraabka waxana dhankooda ugu baaqaynaa inay isku tashadaan oo ay wax soo saar la yimaadaab”.
Wasaarada beeraha iyo waraabka ayaa ka mid ah wasaaradaha ugu muhiimsan ee la doonayo inay dadka Soomaaliyeed wax u qabato kuna dhiirigaliyeen inay lasoo baxaan khayraadka kala duwan ee buuxa Gobaladda Puntland.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe