Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROOWE: Wafti Culus Dowlada Puntland ka tirsan oo maalinta beri ah Kismaayo u dhoofaya

$
0
0

Garoowe: (pp)- Gudoomiyaha maamulka KMG Kismaayo Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe oo ayaa hadalkan xaqiijiyey mar uu ka hadlayey xaflad maamulkoodu qabanayo beri oo loogu dabaal degayo , taasi oo uu sheegey in ay kasoo qeyb gali doonaan marti ka kala socota Puntland, Xillibaano DF iyo Beesha Caalamka.

Madaxda Puntland oo Kismaayo laga sugayo

Madaxda Puntland oo Kismaayo laga sugayo

Mudane Axmed madoobe oo sharaxayey marti u imaaneysa ayaa sheegey in dhanka Puntland ka sugayaan wafti culus balse uusan magac dhabin qeybaha ay ka kooban yihiin waftigaasi, halka uu sheegey in magaalada muqdisho ay uga imaanayaan xillibaano ka tirsan baarlamanka Somalia, Nairobi ayuu sidoo kale sheegey wafuud beesha caalamka iyo xillibaano in ay iyana uga imaan doonaan.

Soo dhaweynta martida la filayo berito in ay tagto kismaayo ayuu sheegey Axmed madoobe in ay ka maamul ahaan si weyn u diyaarinayaan oo ay ku faraxsan yihiin dareenkooda dadka Soomaaliyeed ee walaalahood kala soo qeyb galayaan dhismaha maamulka walaalahood ee Jubbaland.

Waftiga Puntland ee beri la filayo in ay kismaayo u duulaan ayaan la ogeyn in uu ka mid yahay Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxman Faroole oo isagu ka mid ah masuuliyiinta  sida weyn u taageersan dhismaha maamulka Jubballand , iyadoo ay jirtey maalmihii lasoo dhaafey hadal hayn ku aadan Dr Faroole oo Kismayo u safraya.

Dowlada Puntland wali kama uusan soo bixin war sugan oo ku aadan waftiga halkaas ay u direyso iyo qorshaha ay u tagaan , marka laga reebo Gudoomiyaha maamulka KMG Kismayo Axmed madoobe oo isagu sheegey in ay Puntland kala soo qeyb gali doonto Xaflada Dastuurka Jubballand ee beri kismaayo ka dhici doonta.

Puntlandpost, Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>