Kismaayo: (pp)- Gudoomiyaha maamulka KMG Kismaayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo caawa ka hadley ansixintii dastuurka Maamulka Jubbaland ayaa sheegey in uu ka maamul ahaan aad usoo dhaweynayo habka ay u dhacdey ansixintii dastuurka oo ku tilmaamey in ay ahayd mid ka turjumeysa rabitaanka dadka reer Jubbaland ku doonayaan dhismaha maamulkooda.
Dhegeyso Guddoomiyaha KMG Kismaayo Axmed Madoobe
Axmed madoobe waxa uu carabka ku dhuftey in ay shirka fadhiyeen tiro ka badan 870 xubnood kuwaas oo aysan jirin cid ka hortimid ama ka aamustey ansixinta dastuurka Jubballand,wuxuuna midaas ku sifeeyey in ay noqoneyso guul taariikhiya oo maanta ay gaareen shacabka Jubballand.
Wafuud Beri Tageysa Kismaayo.
Gudoomiyaha Maamulka KMG Kismaayo wuxuu dhanka kale sheegey in maalinta beriya ay qaban doonaan xaflad balaaran oo loogu dabaal degayo ansixinta dastuurka maamulka cusub ee jubballand, isagoona sheegey in ay kasoo qeyb gali doonaan xafladaasi marti faro badan oo ka imaaneysa gobolada dalka iyo dibadiisa, sida Puntland, Muqdisho, Ethiopia iyo Nairobi.
Mudane Axmed madoobe oo sharaxayey marti u imaaneysa ayaa sheegey in dhanka Puntland ka sugayaan wafti culus balse uusan magac dhabin qeybaha ay ka kooban yihiin waftigaasi, halka uu sheegey in magaalada muqdisho ay uga imaanayaan xillibaano ka tirsan baarlamanka Somalia, Nairobi ayuu sidoo kale sheegey wafuud beesha caalamka iyo xillibaano in ay iyana uga imaan doonaan.
Soo dhaweynta martida la filayo berito in ay tagto kismaayo ayuu sheegey Axmed madoobe in ay ka maamul ahaan si weyn u diyaarinayaan oo ay ku faraxsan yihiin dareenkooda dadka Soomaaliyeed ee walaalahood kala soo qeyb galayaan dhismaha maamulka walaalahood ee Jubbaland.
Maamulka Gedo loo magacaabey.
Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) oo wax laga weydiiyey aragtida uu ka qabo maamulka Gedo Ray,isal wasaaraha Dowlada Federaalku u magacaabey , ayuu sheegey in ay wax kasta oo la dhiso ama la sameeyo ay ka muhiimsan tahay rabitaanka shacabka,oo uu hadda sheegey in ay tahay dhismaha maamulka Jubballand.
Wuxuuna intaas raaciyey in ay rajeynayaan dhankooda isku soo dhawaansho dhex mari doona iyaga iyo xukuumada Somalia , isagoona carabka ku dhuftey in uusan dhibaato ama caqab ku noqon doonin maamulka Gedo loo magacaabey diyaarinta Jubballand State .
Martidii horre u joogtey Kismaayo.
Ahmed Madoobe waxa uu sheegey in ay jireen marti soomaali oo dhan ka kooban oo horre ugu sugnaa Kismaayo, uuna ka mid ahaa Ray,isal wasaarihii horre ee Somalia Cumar C/rashiid , Aqoonyahano, Xillibaano ka tirsan DF iyo Marti kala duwan, isagoona sheegey in uu uga mahad celinayo martidaasi fikrado iyo talooyin ay kala qeyb galeen dhismaha maamulka.
Amaanka Kismaayo.
Mr Madoobe waxa uu shegey in amaanku uu yahay mid la isku haleyn karo, isagoona tusaale usoo qaadey in haddaba banaanka ay si nabad galyo ah ku seexdaan Martida iyo Ergeyda kismaayo joogta oo uu sheegey in ay buux dhaafisey magaalada, aysana jirin amaan daro ilaa iyo hadda ay la kulmeen.
Wuxuu intaas raaciyey in ay ciidamada amaanka ee Maamulka KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM, ay wax badan ka qabteen sugida amaanka oo habeen iyo maalin heegan ugu jiraan in ay ka hor tagaan falalka ka hor imaanaya nabadgalyada.
Xafiiska Puntlandpost.com
Magaalada Garowe.