Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynaha Puntland oo xarumo ku yaala Jigjiga booqday (Sawirro)

$
0
0

Arbaco 26 February, Jigjiga:-  Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xarumo booqday magaalada Jigjiga oo uu ku joogay booqasho rasmi ah , waxana wehelinayay dhigiisa Dowladd Deegaanka Somalida Ethiopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Gaas oo meelo booqdayLabada Wafdi oo masuuliyiin kala duwan ka koobnaa ayaa booqday qaar ka mida xarumaha uu ka socdo horumarka dowladd deegaanka sida Isbitaalka Refaral, Jaamacadda Jigjiga oo ay kula kulmeen ardey tiro badan, Machadka Caafimaadka oo ay ardey reer Puntland deeqo waxbarasho uga dhigtaan ku soo dhoweeyeen, Taaladda Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo hoolka shirarka Afrika oo dhismihiisu dhamaad uu yahay.

Goobaha wafdigu booqanayay ayaa warbixino kooban laga siinayay madaxweynaha Puntland sida ay u shaqeeyaan, waxana uu ku amaanay maamulka iyo madaxda dowladd deegaanka Somaalida Ethiopia horumarka ay gaareen.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhigiisa Dowladd deegaanka kala xaajooday xoojinta xiriirka labada dhinac u dhaxeeyaa, iskaashiga dhanka nabadgelyada iyo horumarinta ganacsiga.

Inta uu wafdiga Puntland ee madaxweynuhu hogaaminayo ku suganyihiin magaalada Jigjiga ayaa lagu wadaa inay la kulmaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan gobolka.

image_3 28 21 17 16 15 13 10 6 9 5 4 3 2 1 Gaas oo meelo booqday

Xafiiska Warfaafinta

Madaxtooyada Puntland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>