Garowe(pp) Masuuliyiinta xarun caafimaad oo gaar loo lee yahay isla markasna ay xirtay wasaradda caafimaadka ayaa maanta ka hadlay arrintaasi waxayna eed kulul usoo jeediyeen madaxda wasaradda.
Xaruntaan caafimaad oo magaceeda la yiraahdo Nairobi Medical Center ayaa dhowaan waxaa si ku meel gaar ah u xiray agaasimaha guud ee wasaradda caafimaadka ka dib waraysi uu Radio Garowe siiyay uu ku sheegay in xaruntaasi cabasho laga soo muujiyay iyo qaabka ay ku shaqo gashay oo aan munaasib ahayn ay sabab u noqotay in baaritaan lagu sameeyo.
Maxamed Cabdilaahi Warsame oo ah mamulaha xaruntaan caafimaad ayaa maanta warbaahinta u sheegay inaysan sharci ahayn nidaamkii ay wasaradda caafimaadka dhowaan ula dhaqan tay,wuxuna cadeeyay inay ogalaansho ka haystaan wasiirkii hore ee caafimaadka Dr.Cali Cabdilaahi Warsame & mamulka Gobalka Nugaal.
Waxa uu soo bandhigay shihaadooyinka Dhaqtar Kenya kasoo jeeda oo xarunta ka shaqeeya iyo qaabkooda shaqo,wuxuna dadwaynaha ku nool Gobalka Nugaal iyo Puntland u iftiimiyay inay yihiin dad si sharciya uga diiwaangashay Puntland.
”Waxan cabasho ka muujinaynaa qaabkii uu noola dhaqmay agaasimaha guud ee wasaradda caafimaadka Puntland,qaabkaas oo aan waafaqsanayn hanaanka sharuucda mamulka,waxa xarunta noogu yimiad Cabdirisaaq wuxuna inoo sheegay inuu dan gaar ah ka lee yahay dhaqtarka,Qol ayuu la galay wax yar ka dib wuu iska baxay,dhaqtarkii ayaa noo sheegay in Ninkaasi uu qalabkii qaatay isagoo aan cidna waxba waydiin,wuxuna muuqaal ka duubtay qaabka uu u shaqeeyo qalabkan,waxana ruqsad ka haysanaa wasaradda caafimaadka,waxaa inoo cadaatay in wixii dhacay ay yihiin xad gudub gaar ah”.Mamulaha Xarunta ayaa sidaasi yiri.
Wuxuna codsaday in baaritaan dhab ah lagu sameeyo falka xaruntooda lagula kacay ,wuxuna cadeeyay inuu wali ka maqan yahay qalabkii shaqadda in ka badan saddex maalmood iyo labo habeen.
Dhinaca kale Agaasimaha guud ee wasaradda Caafimaadka Puntland waraysigii uu baxshay ka dib markii xaruntaasi si ku meel gaar ah shaqadda looga joojiyay ayaa u ekaa xarun si qaldan u shaqo gashay dadkana siyaabo kala duwan dhaqaalaha looga qaadan jiray wuxuna u yiri.
”Waxan ugu tagnay meesha dad badan oo u safan isagiina markaan u tagnay aad buu nooga argagaxay markii aan u sheegnay inaan ka socono wasaradda caafimaadka,waxan fiirinay qaabka uu u shaqayanayo iyo sida uu bukaanka ugu adeegayo waxaa nasoo baxday labo qodob”.
”Qodobka koowaad wax cadaynaya inuu dhaqtar yahay ayaan ka waynay maadama uu sheeganayay dhaqtar,qodobka labaad wax aasas dhaqtarnimo ama qalabka uu ku shaqyanayay kuma aanan arag waxan sidoo kale baarnay qalabkii uu ku shaqaynayay wuxuna watay mashiin yar dadka ayuu farta u saarayay,qalabkii ayaan kasoo qaadnay waxana ku wadnaa baaritaan magaca uu noo sheegtay iyo magaca warqadda ku qorana waa kala duwan yihiin”.
Wali madaxda wasaradda caafimaadka si faah faahsan ugama hadlin xaalada xaruntaan caafimaad iyo sababta ay ku haystaan,walow ay noosoo bandhigeen masuuliyiinta xaruntaan warqado cadaynaya inay shaqayn karaan oo ay ka haystaan wasiirkii hore ee caafimaadka iyo Gudoomiyaha Gobalka Nugaal.