
Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in ay korortay tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay weerar ay shalay malayshiya-beeleed hubaysan ku qaadday gudaha degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire Maxamed iyo wasiirka Dastuurka iyo Xiriirka Golayaasha Somaliland Maxamed Xaaji Aadan oo si wadajir ah shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay ayaa sidoo kale sheegay in dad loo soo qabtay weerarkaasi.
Waxa kale oo ay faahfaahin ka bixiyeen meelaha laga abaabulo dhibaatada ka taagan Ceel Afweyn iyo cidda ay ku tuhmayaan in ay ka dambayso hurinta colaadda ka aloosan halkaasi ee u dhexaysa labada beelood.
Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee labada wasiir oo dhammaystiran
PUNTLAND POST
The post Somaliland oo shaacisay koror ku yimid dadkii ku dhintay weerarkii Ceel Afweyn iyo cidda loo soo qabtay appeared first on Puntland Post.