Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22952

Dowladda Puntland oo u hambalyeysay xildhibaannada cusub ee Jubaland

$
0
0

Xukuumadda Puntland ayaa hambalyeysay xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Jubaland oo maanta lagu dhaariyay magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay hannaanka ay ku socoto doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland waxaana ay Puntland raja wanaagsan ka muujisay in doorashada Jubaland ay u dhacdo sida loo qorsheeyay fara-gelin la’aan.

Waxaa kale oo dowladda Puntland ay guddiga doorashooyinka Jubaland ku dhiirri-gelisay in ay doorashada u qabtaan si daah-furnaan ah waxaana ay shacabka iyo dowladda Jubaland ku amaantay sida isku duubnida leh ee ay uga gudbayaan marxaladda doorashada iyadoo guul u rajaysay.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland

Sidee u dhacday Dhaarinta xildhibaannada Jubaland

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo u hambalyeysay xildhibaannada cusub ee Jubaland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22952

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>