Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xaduudaha Gobalka Mudug oo si wayn loo adkaynayo iyo ciidan faro badan oo ku wajahan Gaalkacyo (Dhagayso)

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Dowladda Puntland ayaa ciidan faro badan oo iskugu jira badda iyo bariga u diraysa saacadaha soo socda Gobalka Mudug si loo adkeeyo xaduudaha iyo ammaanka magalada Gaalkacyo.

tigeyGudoomiyaha Gobalka Mudug ayaa sheegay inuu masuuliyad gaar ah ka saaran yahay ammaanka iyo la socodka dhaq-dhaqaaqa ku cusub Gobalka Mudug sidaasi darteedna ay u baahdeen ciidan dheeraad ah oo Gobalka lasoo aadiyo wuxuna sheegay ciidankaasi inay ka howlgali doonaan Gaalkacyo iyo dhaaman xaduudaha Gobalka Mudug.

Ammaanka magalada Gaalkacyo ayaa walaac laga muujiyay ka dib markii maalmo ka hor gacanta lagu dhigay Ruux lagu tilmaamay inuu alshabab ka tirsan yahay oo dad ku dhaawacay meherad ku taala xaafada Garsoon ee Gaalkacyo iyo labo xaruur ah oo inta la afduubay irbadi lagu soo dhuftay.

Gudoomiyaha Mudug waxa uu sheegay kooxaha ammaanka kasoo horjeeda inay ka faa’iidaystaan labada mamul ee Gaalkacyo ka jira balsa ay arrintaasi ka tashadaan oo ammaanka guud laga wada shaqayn doono.

Adkaynta ammaanka magalada Gaalkacyo ayaa waxa ay kusoo aadaysaa ka dib markii kooxda Alshabab ay labo labeen qaraxyadda iyo dilalka ay ka wadaan qaybo ka mid ah Koonfurta Somalia haba ugu bad-naatee magalada Muqdisho.

Dadka ayaa soo dhaweeyay in ciidan faro badan Gobalka Mudug loosoo diro si loo sugo ammaanka.

Halkaan hoose ka dhagayso Gudoomiyaha Gobalka Mudug oo waraysi siiyay Radio Daljir.

Puntlandpost.com
Xafiiska Gaalkaco

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>