Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Baydhabo:Madoobe Nuunow oo loo doortay madaxwayna mamul lix gobal ka kooban (Warbixin)

$
0
0

Baydhabo(pp) Maalmihii ugu danbeeyay magalada Baydhabo xarunta Gobalka Bay waxaa ka socday labo shir oo labo mamul oo kala duwan lagu dhisayo.

Madoobe Nuunow oo baarlamaankii hore ka tirsanaa ayaa loo doortay madaxwaynaha mamul lix gobal ka kooban oo la yiraahdo koonfur galbeed.

Waxa sidoo kale bar bar socda shirkaasi mid kale oo mamul saddex gobal ka kooban lagu dhisayo oo ka socday magalada Baydhabo.

War kasoo baxay dowladda dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa sheegtay inaysay taageersan tahay shirka saddexda Gobal lagu dhisayo ee Baydhabo ka socda,kaasoo ay ku tilmaamtay inuu sharciga dalka iyo nidaamka federaalku uu waafaqsan yahay.

Sida la sheegay Nuunow ayaa madaxwayne u noqday Gobaladda Sh.hoose,Baay,Bakool.Jubadda hoose,Jubadda dhexe iyo Gaddo taasoo keeni karta isku dhac hor leh oo dowladda iyo siyaasiyiinta Baydhabo ku sugan soo kala dhexgala.

Lama yaqaan halka uu ku biyo shuban doono shirarkaan kala duwan ee ka socda Baydhabo isla markasna mashquuliyay dowladda Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyay la ciir ciiraysay dagaalo iyo qaraxyo kaga yimi dhanka kooxda Alshabab.

Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>