Kismaayo: (pp)- Xildhibaano kor u dhaafaya 60-Xildhibaan oo Proff.C/risaaq Cismaan Xassan(Juurille) Hogaaminayo ayaa Maanta Waxay soo Gaareen Magaalada Kismaayo ee uu ka socdo shirka Maamul u Sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.Waxaan garoonta diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhawaayey masuuliyiin uu ka mid yahay Prof. Maxamed Xaaji Cabdi Gaandhi , Sh.Axmed Islam, Raiisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid iyo qaar ka mid ah Maamulka KMG ah ee Kismaayo.
Wafdigan Prof.Juurile Hogaaminayo Ayaa tiro Ahaan Kor u dhaafaya 60 Xildhibaan ,Waxaana laga garan karaa Masuuliyiintaas C/rashiid Xidig, Qoorsheel, iyo Masuuliyiin kale, waxaa kale oo xusid mudan in Xildhibaanada badankood ay ka yimaadeen magaalada Nairobi.
Maamulka KMG ah ee Jubaland oo garoonka dhexdiisa shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in xildhibaanada maanta yimid Kismaayo ay u socodaan in ay bogaadiyaan howsha culus ee socota kana qeyb qaataan dhamaystirka dhismaha Maamul Goboleedka Jubbaland.
Waxaa garoonka Kismaayo lagaga qaaday Baabuurka gaashaaman ee Amisom waxayna ugu horeynta tageen Xarunta Jaamacada Kismaayo, halkaas oo uu ka socoto shirwaynaha Maamul u samaynta Jubbaland.
Soo dhawayn iyo dhamaashaad ka dib Ayaa waxa khudbad Madasha ka jeediyey Xildhibaan Prof.C/risaaq Cismaan Xassan(Jurille) oo Ahaa Gudoomiyaha Wafdigan.
Xildhibaan Jurile Ayaa ugu Horeyn Hadalka ku Bilaabay isaga oo la hadlayay Ergadii Shirka Fadhiday “Waxaad gudateen waajibkii idin saaraa waxaana muujiyeen geesinimo anaguna waxaan halkan u nimid in aan muujino taageeda aan u hayno dhismaha Jubbaland”.
Prof.Juurile Wuxuu ku dheeraaday Qiimaha ay Leedahay in Maamul iyo Kala Dameyn la Helo,isagoona Hoos ka xariiqay inay Taageero la Garab taagan yihiin Maamul u Sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Xildhibaanada maanta yimid Kismaayo ma aha oo kaliya kuwa ka soo jeeda deegaanada Jubbaland ee sidoo kalena waxaa weheliya xildhibaano ka soo jeeda deegaano kale waxayna taasi ku tusaysaa waddaniyada iyo
ilaalinta sharciga Dowladanimo iyo in ay Xildhibaanada Qaranka Soomaaliyeed Gudanayaan Waajibkii saaraa ee Sharci ilaalinta ahaa.
Sikastaba, dhismaha maamulka Jubbaland State ayaa soo maray Xaalado kala duwan , iyadoo dowlada hogaanka uu hayo Xasan Sheekh Maxamuud oo isku dayey inuu hor istaago maamulkaasi, si aysan dadka deegaanadan u helin deganaaansho iyo jaanis wanaagsan oo Mustaqbal leh, nasiib wanaag waxaa maalinkii shalay la ansaxiyey Dastuurkii Jubbaland State oo ay Cod aqlabiyad ah ugu codeeyeen Ergooyin gaaraya 870 xubnood, taas ku tusaysay in shacabka goboladan degan ay hamuun u qabeen maamul iyo kala danbeyn.
Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland.