Muqdisgo: (pp)- Shirweynaha Heerka Qaran ee looga tashanayo Dib u habeynta Garsoorka Soomaaliya oo maanta galay Maalintii saddexaad ayaa diiradda lagu saaray Qodobbo ay kamid yihiin Qaab dhismeedka Dastuurka iyo sida uu ula shaqeeyo Garsoorka ,Xeerarka iyo Nidaamyadii Sharci ee uu lahaa wadanka Dagaalladii ka hor.
Shirweynaha ayaa waxaa kasoo qeybgalay Xubno ka tirsan Golaha wasiirada oo ay kamid yihiin wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka Md.Faarax C/qaadir,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Xasan Maxamed Jimcaale,Danjiraha Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Matt Baugh iyo Dhammaan Ergada mataleysa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Shirkani lagu marti qaaday.
Xildhibaan C/Raxmaan Xoosh Jibriil wasiirkii Hore ee Dastuurka ,Arrimaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya oo madasha Khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay Qodobbada Dastuuriga ah ee ka hadlaya Muhiimadda uu leeyahay Garsoorka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in ay Bulshadu hesho Nidaam Caddaalad ah oo lagu kala saaro markii uu isqabad yimaado.
“Awoodda Garsoornimada waxaa iska leh Maxkamadaha ,ayuu qabaa dastuurka ay ku dhaqmeyso Dowladda Soomaaliyeed kaasoo la meelmariyay 1-da August ee sanadkii 2012-ka, waxaana sidoo kale uu Dastuurku amrayaa in la hirgeliyo Maxkamad dastuuri ah oo ka madax bannaan Golaha Fulinta iyo Baarlamanka” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Sidoo kale Marwo Caasho Geelle Diiriye Wasiirkii hore ee haweenka Puntiland oo xubin ka ah Ergada Puntland u mataleysa ka qeybgalka Shirweynaha ayaa xustay inay muhiim tahay in Ergadu ay ka wada shaqeyso sidii loo heli lahaa qawaaniin ay dadku ku wada shaqeeyaan si loo ilaaliyo Maslaxadda Guud ee Ummadda Soomaaliyeed ,laguna dedaalo sidii ay dadka u heli lahaayeen Nidaam Caddaalad ah.
Sidoo kale Abuu kaate Caasho Kiin Ducaale oo Shirka ka hadashay ayaa sheegtay in Dhibaatada Dalka ka jirta ay sabab u tahay Caddaalad darrada loona baahanyahayn in la helo Garsoor Caadil ah, Dowladduna sameyso Guddi madaxbannaan oo ka shaqeeya Xuquuqda Aadanaha.
Ugu dambeeyntii Sh. C/qaadir Soomow oo kamid ah Ergada Ahlusunna Waljamaaca ee ka qeybgaleysa Shirweynaha ayaa soo jeediyay in lagu dhaqmo Kitaabka uu Ilaahey soo dejiyay maadaama ay Diinta Islaamka dhowrtay Xuquuqda Qof kasta oo Muslim ah.
Puntlandpost.com
















Puntlandpost.com