Garowe(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta sheegay in magaca umadda Soomaaliyeed sanad kasta lagu cuno malaayiin doolar oo aan Puntland waxbana kasoo gaarin,taasoo muujinaysa in dowladda dhexe ee Muqdisho iyo hay’addo gaar ah ay si kale ugu tagrifaleen hantida shacabka.
Hadalkaan ayuu madaxwaynaha Puntland maanta ka jeediyay kulan uu madaxtooyadda Puntland kula qaatay guddi labaatan xubnood ka kooban oo loo xil saaray dhismaha Buundada Sunijiif oo ay dhowaan waxyeeleeyeen roobabkii duufaanta watay ee ka da’ay deegaano ka mid ah Gobalka Nugaal.
Gaas waxa uu sheegay haddii la isku tashado in wax la qabsan karo isla markasna la waan toobi karo mucaawinooyinka dibadda ka yimaada.
Dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa sanooyinkii lasoo dhaafay malaayiin dooran ugu deeqay Somalia,haseyeeshee dhaqaalahaasi masoo dhaafo magalada Muqdisho.
Iyadoona ay tusaale loosoo qaadan karo balan qaadkii boqolka kun ee doolar oo ay dowladda dhexe sheeg
tay inay ugu talo gashay qoysaska Puntland ku cayroobay oo aan ilaa iyo wali lasoo gaarsiin culimadda iyo madaxda dowladda Puntland.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe