Garowe(pp) Qoyska reer Cabdilaahi Farole ayaa war kasoo saaray nin kooxda alshabab ay shalay ku dileen degmada Baraawe oo ay ku sheegeen inuu jaajuus u ahaa sirdoonka Puntland.
Allaha u naxariistee Axmed ayaa waxaa adeer u ahaa madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole wuxuna in mudo ah u xirnaa kooxda dagaalka kula jirta DFS ee Alshabab oo markii danbe ku qaarajiyay Baraawe iyagoo jaajuus ku tilmaamay,hase yeeshee waxaa arrintaasi beeniyay oo ka hor yimi Faarax Cabdilaahi Farole oo ay walaale ahaayeen ninka ay Alshabab dileen.
Wuxuna dilkaasi ku tilmaamay mid xaqdaro ah oo aan kooxda Alshabab looga hari doonaan,Farax oo arrimahaasi maanta saxaafada u sheegay ayaa yiri.
“Waxaan qirayaa in Axmed C/Laahi Farole uu ahaa Walalkey, mana uusan ahayn waxay ku tilmaameen kooxaha Nabad diidka ah ee Alshabaab, mana ahan wax laysaga harayo oo Nin walba reer buu ka dhashay waana la dagaalamaynaa iskana celinaynaa Kooxda Dhiigya cabka ah ee Alshabaab ee aan dadka ku leyneen Burco, hargaysa, boorarame iyo meela kaleba Balse Dilka iyo xumaanta lasoo raadsanayan Dadka daga koonfur iyo Xamar iyo Kuwa u dhashay Puntland, Sidaana waxaa yiri Faarax C/laahi Foole.
Dhaleecaynatan ka timi Qoyska Reer Farole ee ku socota Kooxda alshabab ayaa timi ka dib markii Ururka Alshabab ay maalinkii shalay ku daabaceen bogga taageera inay dilleen nin ay ku tilmaameen inuu ahay jaajuus oo adeer u ahaa madaxwaynihii hore ee Puntland Dr.Farole.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe