Garowe(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland iyo ku xigeenkiisa iyo afhayeenka baarlamaanka ayaa madaxtooyada kula shiray guddiga loo xilsaaray dhismaha buundada Midigar ee Tuuladda Sunijiif taasoo ay dhowaan waxyeelo baahsani ay kasoo gaartay roobabkii duufaanta watay ee Puntland ka da’ay.
Guddiga oo isku dhafan isla markasna ay ka mid yihiin wasiiro,culimo,ganacsato & Isimo ayaa waxaa madaxda Puntland usoo gudbiyeen qorshaha loo howlgalayo iyo sida looga wada qayb gali karo.
Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah culimadda ugu caansan Soomaaliya ayaa sheegay inay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay dhexda u xirtaan sidii dhismaha buundadaan looga qayb galii lahaa inta aan la gaarin gu’ga.Xawaaladaha Soomaalida ayaa loo sheegay inay furaan qaanado lacagta lagu aruuriyo.
Wasiiradda howlaha guud iyo deegaanka ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii la iskugu tashan lahaa isla markasna loo bixin lahaa dhaqaalaha Buundadaan oo la sheegay inay ku kacayso aduun lacageed oo gaaraya $900.000 halka qiimayntii hore ee la sameeyayna ay intaasi ka yaraatay.
Madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa tilmaamay shacabka Soomaaliyeed ee dalka iyo Dibadda ku nool inay awoodaad dhaqeele lagu dhiso buundada Sunijiif taasoo uu ku tilmaamay inay laf dhabar u tahay ganacsiga iyo gaadiidka.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe