Bosaaso(pp) Guddiga boorka iyo aasaasayaasha Jaamacadda Bariga Africa ayaa maanta waxay deeq qalab caafimaad ah gaarsiiyeen kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda qaybteeda magalada Bosaaso.
Qalabkaan ayaa waxaa gudoomay mamulka Jaamacada Bariga Africa wuxuna qalabku ka kooban yahay 30.Shaybaar oo nooca casriga ah daawooyinka wax lagu baaro iyo waliba mashiino loogu talo galay in looga faa’iideeyo ardaydda kuliyadaasi barata.
Dr. Abshir Ali oo hurmuudka Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada BarigaAfrica oo ugu horayntii hadlaya munaasabada ayaa mahad celiny ujeediyay Boorka Jaamacad Bariga Africa iyo Asaasayaasha Jaamacada oo uu sheegay In ay xil wayn iska saaraan sidii loo heli lahaa baahiyadda ay Jaamacadu u qabto qalab kala duwan.
Gudoomiye Ku xigeenka Jaamacada Bariga Africa Sheekh Maxamed Macalin ayaa dhankiisa ugu bishaareeyay Arday Wax Ka Barta Kuliyada Caafimaadka Ee Jaamacada Bariga Africa faraceeda magalada Bosaaso wuxuna tilmaamay inay wax badan ka badali doono.
Gudoomiyaha Boorka Jaamacadda Aadan Shiikh Doon ayaa sheegay agabkan ay jaamacadda soo gaarsiiyeen inuuan noqon doonin kii ugu danbeeyay ee ay helleen balse ay sii labo laabi donaan sidii loo tayayn lahaa tacliinta sare ee ay ardayda siiyaan.
Abshir Siciid Faaraxa oo Kamid Gudiga Aasaasayaasha Jaamacad Bariga Africa Ayaa kula Dar-Daarmay Arday inay sii Laba Jibaaraan Dadaalkooda ayna ilaaliyaan qalabka maanta Lagu wareejiyay.
Hoos ka Daawo Macalin Maxammed Khaalid oo sharaxa qalabka maanta lasoo gaarsiiyay
Cabdinaasir Daacad
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso