Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynaha Mamulka Jubba oo la kulmay RW Itoobiya Hailemariam Desalegn (Sawirro)

$
0
0

Addis ababa(pp) Madaxwaynaha Mamulka KMG Ah ee Jubba oo maalmii lasoo dhaafay ku sugnaa magalada Addis ababa ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay Ra’iisulwasaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

2Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo Somalia ku saabsan gaar ahaan la dagalanka kooxda Alshabab iyo sidii taageero loo siin lahaa Gobaladda uu mamulka Jubba ka taliyo.

5Ra’iisulwasaraha oo wafdiga Axmed Madoobe ku qaabilay xafiiskiisa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqasha uu Addis ugu yimi wuxuna sheegay inay ka go’an tahay sidii dalka Soomaaliya loo caawin lahaa isla markasna loola dagaalami lahaa Kooxda Alshabab.

3Madaxwaynaha Mamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan Madobe ayaa dhankiisa sheegay inuu uga mahad celinayo Hailemariam Desalegn qaabilaada uu u sameeyay wuxuna ka codsaday in mamulkiisa taagaaro ballaaran la siiyo.

1Mamulka Jubba iyo DFS ayaa sanadkii hore heshiis ku kala saxiiday magalada Addis ababa kaasoo lagu soo afjaray mad madow siyaasadeed oo labada dhinac soo kala dhexgalay,hase ahaatee arrimihii lagu heshiiyay wax badan kama qabsoomin.

6Sida uu maanta sheegay Afhayeenka mamulka Jubba Cabdinaasir Seerar magalada Kismaayo ayaa laga qaban qaabinayaa shirwayna labaad ee dib u heshiisiinta Gobaladda Jubbooyinka.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>