Garowe(pp) Waxaa magalada Garowe xarunta dowladda Puntland tababar socday labo sano loogu soo xiray qaar ka mid ah shaqaalaha wasaradaha iyo hay’adda dowladda,kaasoo diiradda lagu saarayay in wax badan laga barta qiimaynta iyo sugnaanta cuntooyinka.
Hay’adda cunidda aduunka qaybteeda ilaalinta cuntadda ayaa tababarka soo qaban qaabisay waxana kala shaqaynayay madaxda hay’adda ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah ee HADMA.
Xiritaankii tababarkaan waxaa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka qorshaynta,wasiir ku xigeenka xanaanadda
xoonalaha,maareeyaha Hay’adda HADMO iyo saraakiisha hay’adda FOA.
Ugu horayntii waxaa ka hadlay Maareeyaha HADMA Cabdilaahi Cabdiraxmaan Axmed (Cayroow) wuxuna sheegay tababarkaan inuu ku yimi ka dib markii baahi badan oo ku aadan helitaanka aqoonta raadinta sahanka ka dib markii ay roobabka ka da’aan loo baahday wuxuna codsaday in waji kale oo tababarkaan ah la bilaabo maadama ay muhiim tahay in si rasmiya loo helo sugnaanta iyo qiimaynta cuntooyinka Puntland yimaada.
Wasiir ku xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha Puntland Siciid Faarax Maxamed ayaa ku tilmaamay tababarkaan labada sano socday mid wax badan ka tari doono baahida ay Hay’adda HADMO u qabtay sahanta cuntoyinka iyo waliba qiimaynta.
Waxa uu dadkii shahaaadada la siiyay oo gaaraya sagaal qof kula dardaarmay inaysan dayicin daruuska la siiyay oo ay dadkooda iyo deegaankooda uga faa’iideeyaan.
Masuul ka socday Hay’adda FOA ayaa dhankiisa sheegay inay ku faraxsan yihiin tababarka ay labadd sono soo wadeen inuu kusoo dhamaaday si wanaagsan oo lagu wada qanacsan yahay.
Waa Tababarkii ugu horeeyay oo noocaasi ah isla markasna lagu qabto Puntland.
Halkan hoose ka dhagayso Maareeyaha Hay’adda HADMO oo sharaxaya Tababarka iyo nooca uu yahay.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe