Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maxay ka wada hadleen madaxaynaha PL iyo S. Turkiga ee Somalia (Sawirro&Cod)

$
0
0

WAR-SAXAAFADEED

Khamiis 06 March, Garowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo masuuliyiinta kala duwan ee dowladda ayaa maanta ku soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Garowe wafdi sare oo ka socday dalka Turkiga uuna horkacayay Safiirka Somalia u fadhiya Amb. Kani Touran.

Saraakiil iskugu jirtay Gaashaandhiga iyo Bisha Cas ayaa wehelinaysay, waxana haween calamada Puntland & Turkiga watay garoonka si heer sare ah ugu soo dhoweeyeen wafdiga oo xubnihiisu kor u dhaafayeen 20 qof.

Isbitalka Garowe ayaa ugu horeyn la tagay halkaasi oo warbixin kooban ay ka qaateen sarakiisha caafimaadka oo ku saabsan baahiyaha jira iyo qaabka gacan Turkigu uga gaysan karo fidinta gargaar caafimaad.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa ka dib intaasi si wadajir ah u dhagax dhigay Iskuulka Farsamada Gacanta oo Turkiga dhisayo.

Iskuulka Gambool iyo jaamacadda PSU ee magaalada Garowe ayaa wafdigu booqday sidoo kale halkaasi oo balanqaad horumarinta waxbarashada ah ay u gudbiyeen wasiirka waxbarashada.

Xarunta Madaxtooyadda ayaa shir labada dhinac u dhaxeeyay lagu qabtay kaasi oo uu sheegay madaxweynaha Puntland in lagu heshiiyay dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen.

Madaxwaynaha ayaa ku amaanay dowladda Turkiga inay tahay dalka keliya ee wax-qabadka dhabta ah ka fuliya Somalia tan iyo burburkii, waxana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Isbedelkii Muqdisho ka sameyeen Turkigu laga hirgelin karo Puntland.

Safiirka Turkiga ayaa isna ka hadlay dhinacyada ay wax ka qabnayaan Puntland oo uu sheegay inay yihiin Gargaarka Bini’aadanimo, Waxbarashada, Caafimaadka, Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo deeqaha Waxbarsho.

Waxa uu raaciyay in Muqdisho ay ka soo bilaabeen dib u dhiska dalka , haatana u gudbeen qaybaha kale isagoo ku daray in si cadaalad ah Turkigu uu wax ku qaybin doono.

Madaxweynaha Puntland ayaa gudoonsiiyay safiirka ka dib qado sharaf loo sameeyay Hadiyado ay Puntland caan ku tahay sida beeyada, Maydiga iyo Aaragoosto.

Ugu danbeyntii Galabta ayaa dib wafdigani ugu noqdeen magaalada Muqdisho, waxana ku sii sagootiyay Garoonka madaxda ugu sareysa Puntland iyagoo Turkigu ka mahadceshay soo dhoweyntii loo sameeyay.

 

IMG_0060 IMG_0064 IMG_0065 IMG_0070 IMG_0076 IMG_0079 IMG_0081 IMG_0082 IMG_0089 IMG_0096 IMG_0103 IMG_0106 IMG_0114 IMG_0121 IMG_0132 IMG_0137 IMG_0140 IMG_0144 IMG_0146 IMG_0148 IMG_0158 IMG_0170 IMG_0181 IMG_0191 IMG_0205 IMG_0214 IMG_0226 IMG_0230 IMG_0232 IMG_0251 IMG_0255 IMG_0260 IMG_0264 IMG_0266 IMG_0279 IMG_0281 IMG_0284 IMG_0288 IMG_0297 IMG_0299 IMG_0303 IMG_0311 IMG_0316 IMG_0319 IMG_0321

Xafiiska Warfaafinta
Madaxtooyada Puntland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>