Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dowladda Puntland oo ka shiraysa waxqabadka Sanadka hore iyo sida loo wajahayo (Sawirro&Cod)

$
0
0

Garowe(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland & ku xigeenkiisa ayaa maanta shir labo maalmood soconaya oo looga hadlayo waxyaabaha sanadka hore la qabanayo kula qaatay gollaha xukumadda xarunta Jaamacadda PSU ee magalada Garowe.

5Dhamaan wasiiradda xukumadda Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta shirkaasi kusoo bandhigay waxyaabaha ay sanadka hore xooga saari doonaan iyo sida ay ugu diyaar garoobeen.

HadalDr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii loo oofin lahaa balanqaadyadii doorashada lagu galay oo ay ka mid tahay in is-badal lala yimaado oo ay dadku ku qancaan.

Waxyaabaha shirka diirradda lagu saarayo ayuu Gaas ku sheegay inay ka mid yihiin in la wada fahmo qaabka shaqo ee dowladda iyo sidii loo gudbin lahaa,dowladdu maxay kaga duwanaan doontaa dowladihii hore ee Puntland soo maaray iyo waliba in wada shaqaynta dowladda ka dhaxaysa iyo howlqabadkeeda ay cad yihiin.

Wasiiradda oo ka hadlay kulanka ayaa dhankooda soo bandhigay qorshayaasha sanadkaan ku howlgalayaan kuwaasoo ay ugu horayso ammaanka,waxbarashada,caafimaadka,deegaanka iyo arrimaha bulshadda.

Madaxwayne Gaas ayaa horay u balan qaaday saddexda bilood ee ugu horaysa inuu qaban doono shirwayne looga hadlayo xaaladaha kala duwan ee Gobalka Sool iyo soo celinta Waxgaradkii Gobalkaasi oo qaarkood wali caraysan.

Waa shirkii ugu horeeyay oo looga hadlayo soo bandhiga waxqabadka dowladda ee sanadka hore.

 

4 3 2 1

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>