Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madoobe Nuunoow oo Baydhabo madaxwayne loogu dhaariyay iyo DFS oo quus taagan (Sawirro)

$
0
0

Baydhabo(pp) Magalada Baydhabo xarunta Gobalka Bay maanta waxaa ka dhacday munaasibad lagu dhaariyay madaxwaynaha mamulka lixda gobal ka kooban ee Madoobe Nuunow Maxamed iyo ku xigeenkiisa.

Dhaarinta labadaan masuul oo sheegtay inay madax u yihiin lix gobal oo ay saddex ka mid ah ku jireen Jubbooyinka & Gaddo ayaa waxaa goob joog ahaa Xildhibaano,Odayaal dhaqan iyo dadwayne kale waxa lagu dhaariyay halkii maalintii hore doorashadu ay ka socotay.

Madoobe Nuunow ayaa xubin kasoo noqday baarlamaankii KMG ahaa ee dowladdii Shiikh Shariif Axmed wuxuna sheegay inuu sharci yahay mamulka uu madaxwaynaha ka yahay.

Isniintii lasoo dhaafay ayaa Nuunow iyo ninka ku xigeenka u ah loo doortay inay hoggaamiyaan Gobaladda Bay,Bakool,Shabellada hoose,J.hoose,J.dhexe & Gaddo waxaase ka hor yimi oo sharci daro ku tilmamay dowladda dhexe beesha caalamka iyo IGAD oo ku tilmaamay inuu dagaal iyo colaad horseedi karo mamulkan.

Docda kale magalada Baydhabo waxaa ka socda shir kan kasoo horjeeda oo mamul saddex gobal ka kooban lagu dhisayo,kaasoo ay dowladda dhexe sheegtay inay taageersan tahay isla markasna uu sharciga waafaqsan yahay.

Madaxwaynaah Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay inay muhiim tahay inaan shacabka Soomaaliyeed la marin habaabin oo sharciga dalka la ilaalsho.

Madaxwaynaha mamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan ayaa dhankiisa sheegay inuu riyo yahay shirka Baydhabo ka socda ee Madoobe Nuunow lagu doortay.

Si kastamaha ha ahaatee lama yaqeen halka uu ku biyo shuban doono shirarkaan iska soo horjeeda ee ka socda magalada Baydhabo.

Puntlandpost.com
Xafiiska Baydhabo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>