Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dowladda Puntland oo markii ugu horaysay ka shiraysa oofinta balanqaadyaddii doorashada lagu galay (Sawirro)

$
0
0

WAR-SAXAAFADEED

Jimce 07 March, Garowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka ku furay xarunta Jaamacadda PSU Garowe shirka Qorshe-Hawleedka Xukuumadda shanta sanno ee soo socota.

IMG_0374Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar ayaa ka soo qaybgalay iyo wasiiradda xukuumadda Puntland.

Kulankan ayaa ah mid looga arinsanayo sidii loo midayn lahaa dadaaladda, waxana labada maalin ee uu socdo lagu doonayaa in la dhaqan qeliyo qodobadda ka soo baxa oo in badan oo ka mida madaxweyne Cabdiweli Gaas balanqaaday xiligii doorashada.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay shirkan ujeedkiisu inuu yahay mid ku saleysan Hiigsiga Xukuumadda uu hogaaminayo, waxana uu u kala saaray shan qodob oo kala ah:

1-Xoojinta Nabadgelyadda iyo dib u dhiska xarumaha Amaanka.

2-Dib u heshiisiinta, Cadaaladda iyo Dimoqraadiyadda.

3-Ganacsiga, Dhaqaalaha, dhiirigelinta Maalgeshiga & horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha.

4-Horumarinta Arrimaha Bulshadda (Caafimaadka & Waxbarashadda).

5-Maamul Wanaaga (La xisaabtanka & la dagaalanka Musuq-maasuqa).

Shaqo u abuurista Dhalinyaradda ayuu ku dheeraaday Madaxweynuhu, isagoo xusay in Turkigu gacan ka siin doono dhismaha xarunta Farsamadda Gacanta, waxana uu raacshay inay jiri donaan barnaamijyo dhalinta looga jeedinayo falalka amni darro(Xagjirnimo, burcad badeed & Tahriib)

Xukuumadda ayuu kula dardaarmay inay u shaqeeyaan si hufan oo daacadnimo ku jirto sidii ay dhaarta ugu mareena uga soo baxaan shaqadda loo igmaday si loo gaaro Mustaqabalka Iftiimaya ee Puntland higsanayso.

Shirkan ayaa la soo xiri doonaa maalinka beri ah, waxana ka sokow xukuumadda xubnaheedda talooyin ku biirinaya khuburo ku xeel dheer siyaasadda, garsoorka, dhaqaalaha iyo maamulka.

IMG_0329 IMG_0335 IMG_0336 IMG_0340 IMG_0341 IMG_0344 IMG_0350 IMG_0353 IMG_0355 IMG_0359 IMG_0361 IMG_0363 IMG_0369 IMG_0375 IMG_0385 IMG_0391 IMG_0397 IMG_0405

Xafiiska Madaxwaynaha
Faafinta Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>