Muqdisho(pp) Ciidanka dowladda dhexe ee Somalia iyo garab sanaya kuwo AMISOM ayaa maanta waxay la wareegeen degmada Buurdhoobo oo ka tirsan Gobalka Gadde ee Koonfur Somalia.
Dagaal aan waqti badan qaadan ayaa ciidanka iyo kooxda islaamiyiinta ah ee Shabab ku dhexmaray duleedka magalada Buurdhoobo,iyadoona markii danbe ciidanku ay gacanta ku dhigeen degmada waxayna ka bilaabeen baaritaano kala duwan oo ammanka lagu xaqiijinayo.
RW Dalka Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa sheegay inay dhowaan gacanta ku dhigi doonaan gobaladda ay wali gacanta ku hayaan kooxda si loo xaqiijiyo nabadgalyada iyo deganaashaha dalka.
Sidoo kale qoraal kasoo baxay howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay ciidanka AMISOM iyo kuwo dowladda inay gacanta ku dhigeen maalmihii lasoo dhaafay magaalooyin kala ah Rabdhuurre, Yeed, Xudur, Waajid iyo Buurdhuubo iyo deegaanno kale.
Alshabab ayaa todobo sano gacanta ku haysay degmada Buurdhoobo iyadoona lagu soo waramayo dadkii daganaa halkaasi ay walaac ka muujiyeen ciidanka oo si xoogan degmada ugu sii qulqulaya.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho