Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo la shiray gudoomiyaasha 16-ka degmada ee Gobalka (Sawirro)

$
0
0

Muqdisho(pp) Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa caasumadda Muqdisho ayaa maanta xafiiskiisa kula shiray gudoomiyaasha dhamaan degmooyinka Gobalka Banaadir.

Intiisa badan kulanka waxaa diirradda lagu saaray is-barasho iyo in si guud ammaanka Gobalka iyo degmooyinka looga shaqeeyo.

Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Gudoomiyaha Banaadir ayaa dhamaan masuuliyiinta degmooyinka sheegay in loo baahan yahay sidii looga shaqayn lahaa ammaanka iyo la-dagalanka kooxda Alshabab oo wali ku sugan qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka.

Waxa uu sheegay shacabka Soomaaliyeed inay usoo jeedaan sidii guud ahaan wadanka looga sifayn lahaa kooxda mayalka adag ee Alshabab ayna waajib tahay in dib looga qabsado deegaanadda ay ku sugan yihiin.

Muungaab ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay sidii dhinacyadda hormarka iyo nabadgalyada diirrada loo saari lahaa shacabkana loogu muujin lahaa waxqabad dhab ah.

Maalmihii ugu danbeeyay ammaanka Muqdisho ayaa walaac laga muujiyay ka dib markii ay soo tiro bateen weerarada iyo qaraxyadda ay Shabab maleegayso,kuwaasoo ay ku ruuq baxaan inta badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

gu gu1 gu3 gu4 gu5

Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>