Sports(pp) Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa aad u amaanay daafaca kooxdiisa isagoo sheegay in wax kasta ay ka muhiim santahay in difaaca kooxda uu yahay mid adag halkii weerarku uu ahaan lahaa mid awood badan.
Dhanka kale Mourinho oo ka hadlay kulamada ay isbuucaan ciyaari doonaan Arsenal iyo Man City ee Champions League ayaa sheegay in Man City ay awoodo inay Barcelona ku garaacdo Camp Nou, halka Arsenal ay arintu ku adkaan doonto laakiin wuxuu sii raaciyay in kubada cagta wax kasta laga filan karo.
Mourinho oo waraysi siiyay wargayska Daily Star ayaa yiri “Azpilicueta marnaba lagama adkaado, kulamo badan oo uu ciyaaray xili ciyaareed kan wali ma arkin laacib uga awood badiyay kubadaha halka qof ah, waxaan haysanaa difaac adag sidoo kale weerar keena iyo difaaceenu waa mid isku dheeli tiran”.
“Waxaan jeclahay in Ivanovic uu ka ciyaaro dhanka midig halkii uu ka ciyaari lahaa daafaca dhexe sidoo kale waxaan jeclahay qaabka ay iskula qabsadeen Terry iyo Cahill marka ay ciyaarayaan daafaca dhexe”.
“Ka hor kulan kasta waxaan falan qayn kusamaynaa kooxda aan laciyaari doono kadibna ciyaartoyda ayaan u soo bandhignaa wixii kasoo baxa falanqayntaas”.
Mourinho oo ka hadlay kulanka Man City iyo Barcelona ayaa yiri “Waxaa guul ka gaartay Valladolid sidoo kale Valencia ayaa uga adkaatay Camp Nou, marka maxaa diidaya in Man City ay sidoo kale samayso”.
Mourinho oo dhanka kale wax laga waydiiyay kulanka Arsenal iyo Bayern Munich ayaa yiri ” Arinku wuxuu u muuqdaa inuu ku adagyahay Arsenal laakiin kubada wax kasta ayaa laga filan karaa”
Qore Maxamuud Fantastic