Garowe(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay xaflad ay ku qalin jabinayeen 119 arday waxa uu sharaxaad dheer ka bixiyay ahmiyadda ay nolashu u lee dahay waxbarashada iyo sida shacabka Puntland looga doonayo inay waxbartan si looga hortago jahliga iyo ammaan xumida.
Dr.Gaas oo ku xeel dheer waxbarashada mudo dheerna bare jaamacadeed ahaa ayaa waxa uu sheegay in ammaanka iyo hormarka ka shaqaynteeda ay ku xiran tahay dadka oo waxbarta kana dhaa-dhiciya maankooda inay tacliin raadsadaan.
Dowladda Gaas ayaa miisaaniyad ahaan u qorshaysay waxbarashada Puntland 3.5 boqolkiiba taasoo dhinacyadda waxbarashada ay ku tilmaameen inay aad u yar tahay balse loo baahan yahay in kor loo qaado.
Cabdiwali Maxamed Cali ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii waxbarashada Puntland loosii hormarin lahaa balse looga baahan yahay dadka hantida haystaa inay baxshaan canshuurta ku waajibtay si kor loogu qaado miisaaniyadda tacliinta.
Wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa dhiniciisa sheegay waxbarashada hormarinteeda inay u baahan tahay isku duubnaan dowladda iyo bahda waxbarashada.
Puntand ayaa lagu ammaanay inay guulo wax ku ool ah ka gaartay dhinacyadda waxbarashada & caafimaadka.
Hoos ka dhagayso Khudbadii madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Gaas.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe