Boosaaso: (pp)- Waxaa Magaalada Boosaaso lagu soo gabagabeeyey Nadwo mudo afar casho ah kaso cotay Magaalada Boosaaso oo ay ka qayb geleen culimada ugu caasan Dalka Soomaaliya, Nadwadan oo looga hadlaayey khaladaadka kooxda Al-shabaab iyo dhibta ay umadda ku hayso ayaa ka socdey masjid Rawda, Waxayna aakhirkii culimadu ka soo saareen Bayaan ka dhan ah Al-shabaab.
Akhriso Bayaanka Culimada:-
1- Waxaan ummada ugu baaqaynaa qabsashada Kitaabka iyo Sunnada Nabiga (scw) iyo faafinta iyo difaaca manhajka saxda ah, maxaa yeelay iyagaa xadgudubka ka noqonaya gabaad adag, sidoo kale waxaan ku baaqaynaa faafinta fiqiga sahlanaanta, ee tilmaanta u ah diinta Islaamka. Iyo kadigida shubhooyinka kuwa xadgubay ay bulshada ku dhex faafinayaan, iyo barashada manhajka firqooyinka dhumay si looga digtoonaado in xiraaf kooda.
2- Waxaan ummada ugu baaqaynaa inay fahamto khatarta uu leeyahay xadgudubka ay wado kooxda Al-Shabaab, iyo inaan la isku khaldin shareecadii reebtay xadgudubka, lana dagaalantay iyo xadgudbkii la reebay laftigiisii. Isla mar ahaantaana waxaan ka digaynaa ka hortaga xadgubka in loo adeegsado la dagaalanka Dacwada, ducaada iyo Diinta Islaamka.
3- Waxaan ku baaqaynaa in cilmiga laga qaato culimmada ehelka u ah, sida illaahay qur’aankiisa ku sheegay, Waydiiya kuwa cilmiga leh hadii aydnaan idinku cilmi lahayn, “??????? ??? ????? ?? ???? ?? ??????” waxaana ku baaqaynaa in laga digtoonaado kuwa isu ekaysiinaya culimmada ee illaahay iyo rasuulkiisa ku been abuuranaya iyo goobaha ay fikirka xadgudubka ku faafiyaan, sida; warbaahintooda, qoraaladooda iyo fataawooyinkooda.
4- Waxaan ugu baaqaynaaa maamulada waddanka ka jira inay gutaan masuuliyada ka saaran ilaalinta ummada iyo amnigeeda, sidoo kale waxaan ku baaqaynaa in la adkeeyo midnimmada iyo isku xirnaanta waaltinimo ee bulshada. Waxaan kaloo ku baaqaynaa in dhamaan qaybaha bulsha ee kala duwan ay kawada qayb qaataan sidii looga hortagi lahaa khatarta halista ah ee kooxda Shabaab, iyadoo la adeeg sanayo wado kasta oo suura gal ah Shareecadana ku banana.
5- Waxaan ku baaqaynaa in la daaweeyo sababaha xadgudubka keenaya, siyaasad ahaan, mushtamac ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Iyo sidoo kale in la dhidbo nidaam cadaaladeed oo ku qotoma shareecada Islaamka, bulshaduna u simantahay, maxaa yeelay cadaaladu waa saldhiga dowladnimmada iyo daganaanshaha.
6- Waxaan ugu baaqaynaa madaxdda Al-shabaab iyo xubnahooda inay illaahay u soo noqdaan, kana waan toobaan gaalaysiinta muslimiinta iyo daadinta dhiigooda, iyo inay dib ugu soo noqdaan Sunnada Nabiga (scw) iyo ummaddooda ay ka baxeen.
7- Waxaan ugu baaqaynaa Maamulada, Isimmada, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan, magangalinta, iyo nolol usamaynta dhalinyarada kasoo baxa fitnada Shabaab, una toobad keena illaahay, una soo noqda Sunnada Nabiga (scw) iyo ummadoodii fikirka takfiirku ka dhexsaaray, hubkana ugu dhiibay.
Culummada ku Saxiixan Bayaanka
1- Sh. Daahir Aw Cabdi
2- Sh. Axmed Daahir
3- Sh. Xasan Xuseen
4- Sh. Maxamed Macalin Axmed
5- Sh. Cabdiraxmaan Bukhaari
6- Sh. Axmed Cabdisamad
7- Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu Xasaan)
8- Sh. Cabqani Qorane
9- Sh. Xasan Dhooye
10-Sh. Maxamed Maxamud Ciise
11-Sh. Axmed Faarax Garaase
12-Sh. Maxamed Faahiye Ciise
13-Sh. Abdiraxmaan Aw-ciise Muuse
14-Sh. Cismaan Maxamud Xaajid Dirir
15-Sh. Faarax Maxamed Cajab
puntlandpost.com