Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROOWE: R/Wasaare Saacid oo si balaaran loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe(Dhagayso)

$
0
0

Garoowe: (pp)- Waxaa Magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland si diiran loogu soo dhaweeyey wafti uu hogaaminaayey Raiisul wasaaraha Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Waftiga raisul wasaaraha ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaaada Garoowe kusoo dhaweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlada Puntland iyo qaar kamid ah golaha wasiirada iyo weliba dadweyne aan tiro yarayn waxaana isla markiib loo galbiyey qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe.

Dhagayso Codka Raiisul wasaaraha-

Madaxweyne Ku-xigeenka PL oo ku so dhaweeyey garoonka diyaaradaha

Madaxweyne Ku-xigeenka PL oo ku so dhaweeyey garoonka diyaaradaha

Raisul Wasaaraha oo Warfidiyeenka lahadlay ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay imaanshihiisa Puntland, wuxuuna sheegay inuu soo booqday dhulkiisii uuna aad ugu faraxsan yahay inuu yimaado Degaanada Puntland, isagoo ka mahadceliyey sida qalbiga furan ee loogu soo dhaweeyey Puntland, waxa uu tilmaamay raisul wasaaruhu inuu rajaynaayo inay isku afgaran doonaan wada hadal dhex mari doona iyaga iyo Dawlada Puntland.

Raisul wasaaraha ayaa dadka Puntland ku amaanay horumarka dhinacyada badan leh ee ay sameeyeen wuxuuna sheegay inay dadka Puntland ku dayasho mudan yihiin, waxa uu tilmaamay inay maalmahan ku sugnaan doonaan caasimada Puntland.

 Dhagayso Codka Madaxweynaha Puntland

sac1

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa isaguna muujiyey sida uu maqsuudka uga yahay imaanshaha Raisul wasaaraha, Wuxuuna sheegay inay Dawladiisa iyo Shacabkiisuba ay dadaal badan ku bixiyeen sidii Dalka soomaaliya looga hirgelin lahaa Dawlada iminka jirta taasna ay ku kasbadeen cadow fara badan, waxa uu rajo ka muujiyey inay wax badan ka wada hadli doonaan iskuna afgaran doonaan.

Guud ahaan dadweynaha reer Puntland ayaa dareen wanaagsan kusoo dhaweeyey booqashada raisul wasaraha Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo markiisii ugu horaysay soo booqday Puntland tan iyo markii loo magacaabay Raisul Wasaaraha Soomaaliya, Waxaana Safarkiisa ku weheliya qaar kamid ah wasiiradiisa iyo weliba xildhibaano kasoo jeeda Puntland oo u kamid yahay Xildhibaan Xasan Abshir Faarax.

Wararka ku saabsan booqashada Waftiga Dawlada Federalka ah, Waxaad kula socon doontaan wararkayaga dambe insha allah.

puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>